25 May, 2012

Wiil Dhalinyaro Ah Kana Tirsan Dadka La Haybsooco Oo Maxkamadda Gabiley U Fasaxdey Inuu Guursado Gabadh Reer Awdal Ah Oo Khaati Billa Ka Taagan Dad Weerar Ku Haya

Wiil Dhalinyaro Ah Kana Tirsan Dadka La Haybsooco Oo Maxkamadda Gabiley U Fasaxdey Inuu Guursado Gabadh Reer Awdal Ah Oo Khaati Billa Ka Taagan Dad Weerar Ku Haya
Wiilkan dhalinyarada ah oo guursaday gabadhan oo ay is-jeclaadeen

Hargeysa(GNS):-Khadar Mooge Mursal oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha la hayb-sooco ee deggan Magaaladda Gabiley ee gobolka Gabiley oo todobaadkan Maxkamada degmada Gabiley u fasaxday inuu qabi karo gabadh ay is-guursadeen oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo muran ka dhashay ayaa khaati ka taagan weerar ay ku hayaan dad aan ogolayn guurkiisa Gabadhan Ajiga ah. 
Wiilkan dhalinyarada ah oo guursaday gabadhan oo ay is-jeclaadeen, ayaa khilaaf ka dhex abuurtay qoysaska labada dhalinyarada ah ee is-calmaday, taasina waxay sababtay in labadoodaba la xidho, ka dibna kiiskooda Maxkamada loo gudbiyo si loo xaliyo khilaafka qoysaskooda soo dhex galay, kaasi oo ku salaysnaa “Waan geyaa iyo ma geydid oo ah dhaqan aan diinta Islaamka meelna ka soo gelin oo lagu takooro dad muwaadiniin ah oo muslim ah” 
Garsooraha Maxkamada degmada Gabiley Faysal Cabdilaahi Ismaaciil markii loo gudbiyay dacwada ka dhaxaysa labada qoys ee ku muransan guurka lamaanahan is-calmaday, ayaa markiiba wuxuu garsooruhu gabadha ninkeeda takoorida loogu diidayo oo lagu magacaabo Faysa Cali Ibraahim weydiiyay dareenkeeda iyo sida ay u aragto doodda qoyskooda, waxaanay sheegtay inuu Mr Khadar yahay ninkeeda oo ay jeceshahay, waxaanay maxkamadda ka hor qiratay inay ninkan muddo is qabeen oo ay uur u leedahay. 
Intaas ka dib ayaa wuxuu Garsoorihii maxkamadu amray in faraha laga qaado wiilka iyo gabadha, waxaanu ciddii ku doodaysa inay xuquuqi kaga maqantahay guurka labada dhinac ka dalbaday inay dacwad madani ah maxkamadda ka furtaan. 
Xukunkaasi ka dib oo ciidamada boolisku si rasmi ah u siidaayeen lamaanahan oo ay muranka qoysaskooda awgeed u xidheen, ayaa waxa amaankiisu halis ku jiraa wiilka ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco, waxaana weerar ku haya dad dhaqan ahaan uga soo horjeeda guurkan lamaanahan (Khadar iyo Faysa), waxaana Wariyayaasha Gabiley ku sugan sheegayaan in habeen walba dhalinyaro faro badan guriga ku garaacaan, kuna shiidaan iyagga oo doonaya inay waxyeeleeyaan, iyagga oo muujinaya sida ay u diidan yihiin guurka gabadhan ay Jaceylka isku guursadeen. 

C/raxmaan Muuse Yuusuf 
Gabiley Reporter news 
Hargeysa/Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: