25 May, 2012

Suldaan ka tirsan Salaadiinta Gobolka Sanaag ee Qadiyada Somaliland ka soo horjeeday oo fikirkaasi markiiuu ka noqday Safar Hargeysa ku yimid iyo Soo dhaweyn balaadhan oo loo sameeyey

Suldaan ka tirsan Salaadiinta Gobolka Sanaag ee Qadiyada Somaliland ka soo horjeeday oo fikirkaasi markiiuu ka noqday Safar Hargeysa ku yimid iyo Soo dhaweyn balaadhan oo loo sameeyey
Suldaanka oo maanta lagu soo dhaweeyey

Hargeysa(GNS)- Suldaan C/laahi Cabdi Koor oo ka mid ahaa salaadiintii Gobolka Sanaag ee hore u masuugsanaa Qadiyada Somaliland ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Dalka, isaga oo sheegay in uu ka soo laabtay fikirkiisii hore, isla markaana imika ka shaqayn doono sidii uu wax ula qabsan lahaa dalkiisa. 
IMG_4725 
Suldaanka oo maanta lagu soo dhaweeyey caasimada ka dib markii uu shalay ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay in uu caasimada dalka ku yimid Marti qaad uu ka helay Xukuumadda Somaliland. 

Sudlaan C/laahi Cabdi ayaa markii uu magaalada soo galayey waxa si weyn uu soo dhaweeyey salaadiin badan oo reer Somaliland ah, waxaanay salaadiinta iyo xubno kale oo soo dhaweynayay suldaanka ayaa kaga hortagay tuuladda Halayo oo 15km dhanka bari kaga beegan magaaladda Hargeysa. 

Xaflad soo dhaweyn ah oo suldaanka loogu qabtay Hutel Kilaab ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa madashaasi ka hadaly Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey, waxaanu isaga oo ku hadlayey afka Salaadiinta Somaliland sheegay in uu soo dhaweynayo Suldaankan, waxaana hadaladii Suldaan Xiiray ka mid ahaa ‘’Suldaan waan ku soo dhaweynaynaa magaalaadu waa magaaladaadii qariib kuma tihid” 
IMG_4712 
Sh.Maxamed Cali Geediyo salaadiin kale oo tiro badan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay dhamaantood ku dheeraadeen qiimaha ay u leedahay suldaan C/laahi Cabdi Koore 

Suldaanka ayaa la filayaa in dhawaan uu kulamo la yeesho Xukumadda iyo Salaadiinta Reer Somalilnd 
IMG_4691IMG_4663IMG_4662IMG_4658IMG_4657 


C/raxmaan Muuse Yuusuf 
Gabiley Reporter News 
Hargeysa/Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: