20 May, 2012

Qareen Sheegay In Guddoomiyaha Maxkamada D/Hargeysa Uu Weerar Gacan Ka Hadal Ah Ku Qaaday Markii Haweenaydiisu Looyar Uga Dhigatay Kiis Ka Dhan Ah


Qareen Sheegay In Guddoomiyaha Maxkamada D/Hargeysa Uu Weerar Gacan Ka Hadal Ah Ku Qaaday Markii Haweenaydiisu Looyar Uga Dhigatay Kiis Ka Dhan Ah
“Anigoo Baabuurka Wada Ayey Kursiga Igala Soo Dageen, Dadkii Meesha Marayey Ee Iga Qaban Lahaana Ninkii Baabuurkayga Xaga Danbe Ka Istaagay Ayaa Baaskoolad Ku Qabtay Oo Joojiyey”  Foosi Sh. Yoonis

Hargeysa, May 20, 2012 (Haatuf) – Qareen Foosi Sheekh Yoonis ayaa sheegay in weerar gacan ka hadal ah uu ku soo qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa Dr C/rashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel) isaga iyo rag la socday kadib markii sida uu sheegay uu Qareen u noqday Oorida guddoomiyaha Maxkamada Degmada Degmada oo kiis ka dhan ah uga dhigatay Looyar.
Qareen Foosi Sheekh Yoonis oo xalay Haatuf uga waramay falka uu sheegay inuu guddoomiyaha Maxkamadda degmadda Hargeysa kula kacay Maalintii shalay ayaa tilmaamay in guddoomiyahaas iyo koox uu watay ay gacanta saareen, una gaysteen dhaawacyo badan, kaas oo intaa ku daray inay arintaasi sababtay Oorida Guddoomiyaha Maxkamadda degmada oo uu Looyar uga noqday dacwad ay Maxkamadda keentay oo ka dhan ah guddoomiye Beergeel.
Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa C/rashiid Beergeel oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino dhiniciisa waxa ka jira weerarkaasi uu sheegay Qareen Foosi Sheekh Yoonis inuu u geystay guddoomiyuhu ayaanay noo suurta galin in aanu ku helo khadka telefoonka ka dib markii uu naga qaban waayey.
Hase yeeshee Qareen Foosi Sheekh Yoonis ayaa intaa ku daray inuu dacwad u gudbiyey laanta dambi baadhista ee CID-da, ayna baadhitaan ku wadaan sababta keentay in weerar noocaas ah lagu qaado Qareen u doodayey Muwaadinada uu qabo Guddoomiyaha Maxkamadda degmadda Hargeysa C/rashiid Beergeel.
Ugu horayna Foosi oo ka hadlaya dhacdadaasi, waxa uu yidhi “Waxa jiray Dacwad culus oo Gabadhiisu ay xuquuq ku dacwoonayso oo Maxkamadda Rafcaanka aanu gaynay oo aan anigu Looyar u ahaa, isla markaana imika Kiiskii Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ah ayaa gacanta ku haya, markaa waxa aanu waydiisanay Garsoorihii Maxkamada gobolka in loo Magacaabo, maadaama oo Ina Beergeel uu Maxkamadii gobolka uu joogo, si markaa Cadaalad loo helo in Maxkamadda gobolka Garsoore kiiska qaada loo magacaabo. Waxa kale oo aanu Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka waydiisanay mar hadii uu ninkani garsoore yahay uu guddoomiyaha laftiisu labadoodii isku keeno oo arinta uu dhameeyo taasina way suurta gali wayday.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmadu maalin hore ayuu halkan yimid isaga oo i doonaya, waxa uu iga doonayana dadkii uu i waydiiyey umuu sheegin, markaa maanta 11:00-kii duhurnimo aniga oo maraya halka Togdheer la yidhaahdo ayaan nin aanu tilifoon ku wada hadlaynay aan ka soo qaaday markii aanu isa soo raacnay, waxaanu ka laabanay wadadan Hindiya Laynka dhexmarta ee jajaban ee xaga Hawdka u leexata, markaas ayaan arkay gaadhi i daba ordaya aniguna waxa aan watay baabuur Laankuruusar ah markaas ayaan is idhi malaha meelbuu baabuurku ku dagdagayaa oo inuu ku dhaafo ayuu doonayaa, markaan cabaar ka yar socday anaga oo aan wali wadadii ka gudbin ayuu ninkii ila socday yidhi malaha waa dad adiga ku doonaya ee bal istaag oo waan istaagay, markaas ayuu baabuurkii igu horjray. Markii gaadhigii la igu horjaray waxa ka soo dagay Guddoomiyaha Maxkamadda degmadda Ina Beergeel iyo saddex nin oo kale, afartoodii nin midi baabuurkayga xagiisa danbe ayuu ka wareegay, saddexda hortayda ayey yimaadeen markaa ayuu Ina Beergeel daaqadii igu furay oo uu yidhi Maxaad gabadhayda Looyar ugu noqotay?, markaas ayaan ku idhi waa qadiyad qoyse’e  waa wax aad dhamaynkaraysee adigu arintaada dhamayso anagu kuuba iman maynee. Waxaanan intaa u raaciyey hadii aad arintina dhamaysankari waydaan oo ay gabadhaadu wax tabanayso xaq ayey u leedahay in xuquuqdeeda loo hadlo, adiguna guddoomiyihii degmada ayaad tahayoo waagii baryaba Looyaro ayaa kuu imanaya oo dadbaad xuquuqdooda ka garqaadaysaaye arinta sharciga waafaji”.

Foosi isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya nabarada uu sheegay in loo geystay waxa uu yidhi “Anigu imika nabaro badan ayaan qabaa oo wajiga ha ugu darnaadee maxaa yeelay anigoo baabuurka wada ayey kursiga igala soo dageen, dadkii meesha marayey ee iga qaban lahaana ninkii baabuurkayga xaga danbe ka istaagay ayaa Baaskoolad ku qabtay oo joojiyey, markii saddexdii nin ee kale isku kay qabteen ayaan Baaskoolad aan dhinaca ka haystay inta aan qabtay daabkeeda danbe Madaxa kaga dhuftay, taasina waxba iimay tarin oo nimanku dhulka ayey i dhigeen oo dhaawacyo badan ayey ii gaysteen. Markaas hada arintaydii waxaan u gudbiyey Ciidamada CID-da oo arintii baadhaya”.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: