Maxkamadii Shalay: Muxuu Darwalkii Raashinka La lunsday guray ka hor furay maxkamada?
Written by Qaran news
May 10, 2012 at 11:30 AM
Muxuu Sayalaci u tagiwaayay maxkamada? Muxuu Siilaanyo Damacsanyahay?
Hargysa,- Waxa shalay la soo gabo gabeeyay dhagaysigii ugu danbeeyay ee markhaatiyadii ay xukumaddu hor keentay maxkamada ee si ay ugu markhaati furaan sadexdii masuul ee u xidhnaa raashinkii ay madaxtooyadu lunsantay ee dusha laga saaray sadexda masuul ee xidhan.
Xeer ilaalinta ayaa ku guuldarystay in ay maxkmada hor keento markhaatiyo fura danbiga benta ah ee laga soo dhoodhoobay madaxtooyada xafiiskeeda samafalka oo ah goobta raashinka danyarta lunsatay, iyaga oo iskaashanaaya xafiiska madaxweyne ku xigeenka.
Waxa shalay maxkmadu ay dhegaystay ninkii darwalka ahaa ee raashinka guraayay la sheegay in la lunsaday ninkaasi oo lagu magcaabo Cabdi Kildhi, ninkaasi darwalka ah waxa maxkmada horteeda laga waydiiyay dhowr su'aalood hadii aan kuwa ugu mihiimsan ka soo qaadano waxa ka mid ahaa.
Sadexdaas nin ee halkaasi fadhiya oo ah sadexdii masuulo ee eedaysanyaasha ah ma aragtay? Ma Taqanaa? Waxa uu Cabdi Kildhi ku jawaabay. Maya Waligay maan arag wax na dhex marayna ma jiraan, ma noo sheegi kartaa cida ay wax idin dhex mareen ayaa la watydiiyay darwalka raashinka la lunsaday guray, waxa uu sheegay in nin lagu magacaabo Dayr uu raashinka soo saaray una sheegay sida uu carabka ku dhuftay in raashinkaasi lagu dajinaayo bakhaar ay leedahay wasaarada dib u dajintu hase ahaatee markii danbe uu Dayr ii sheegay in aan gaynaayo Bkhaaro gaar ah oo aan ahayn meeshii la ii soo kiraystay, waxana uu sheegay in lacagtii uu raashinka ku soo qaaday uu Dayr siiyay.
Dacwadani oo nooceedu ayna hore dalka u soo marin ayaa waxa shalay dacwadani ka baaqaday madaxweyne ku xigeenka Somaliland in uu yimaado mudane Saylaci oo ay ahayd in uu ka mid noqdo markhaatiyada laga soo abaabulay madaxtooyada, hase ahaatee waxa uu mudane Saylaci uu ka baaqday maxkamadaasi kadib markii ay saxafada Somaliland arintaasi sii shaacisay todobaadkii hore, taasi oo madaxweyne ku xigeenka ka dhigtay in uu maxkmada ka baaqdo.
Dhamaan markhaatiyadii la hor keenay maxkamada tan iyo intii ay dacwadani socotay ayaan wax markhaati ah ku furin sadxeda masuul ee xidhan taasi oo ay dhamaantood ka sinaayeen waligayo maanu arag sadxdaas eedaysane mana naqaano ragii waxan noola yimid ee aanu ka iibsanay ama u qaadnay may ahayn ragani, markhaatiyadaasi oo uu ugu danbeeyay kii shalay maxkmada la hor keenay ee lagu magcaabo Cabdi Kildhi.
Dacwada kale waxa la la dhegaysnayaa markhaatiyada sadxda masuul ee xidhan, kadibna waxa fooda isdari doona xeer ilaalinta iyo qareemada sadexda masuul oo rajadoodu ay cirkaasi marayso isla markaasina haysta cadaymo badan oo ay ka heleen markhaatiyada ay madaxtooyadu keensatay maxkamada iyo kuwa ay xeer ilaalintu soo kaxaystayba kuwaai oo in mudo ah ku soo noq noqonaayay maxkmada.
Dhanka kalena waxa ilaa shalay galinkii danbe bilaabmay dhaq dhaqaaq xoogan oo madaxtooyadu ay bilowday kaasi oo ay kaga hor tagayso guuldarda kaga soo socota maxkmada oo ay la socdaan shicibka reer Somaliland todobaad walba, taasi oo dacwadani ay ku foorarto xaga madaxtooyada ayaa waxa jira dhaq dhaqaaq hoose oo ay madaxtooyadu ku xalinayso arintani isla markaasina ay doonayso in dibada arinkani lagu dhameeyo ka hor inta ayna dhacin maxkamadu todobaadka fooda inagu soo haya ma ka ka sii danbeeya.
Wana jira qorshe loogu talo galay in sadexdaas masuul ee xidhan lagu sii daayo cafis madaxweyne oo lala eeganaayo 18'ka May oo ah maalinta qaranimada Somaliland loo dabaal dego, taasi oo yaalaa uu madaxweynahu uu cafiyo dadka xukumadda u xidhan ee la doonaayo in la cafiyo.
Qorshaha cafis madaxweyne ayaa ah mid madaxtooyadu ay ku qarinasyo ceebbta iyo fool xumida ka soo socota maxkamada oo lagu wado in ay xoriyadooda u soo celiso masuuliyiintaasi xidhan, lagamana yaabo in masuuliyiinta xidhani ay aqbaalaan in lagu sii daayo cafis madaxweyne oo loogu dhuumanaayo 18'ka May, sidoo kale shicibka reer Somaliland ayaan aqbali arintaasi,

No comments:
Post a Comment