10 May, 2012

Dhacdo Ugub ah: Kursi Madhan oo loo Caleemo saaray Suldaan ka dib markii Xukuumadu Xabsiga Dhigtay Suldaankii la Boqrayay.


Dhacdo Ugub ah: Kursi Madhan oo loo Caleemo saaray Suldaan ka dib markii Xukuumadu Xabsiga Dhigtay Suldaankii la Boqrayay.

Dhacdo ugub ku ah Dhaqanka somalida in Beel Caleemo saaraysay Suldaan dhaqameed laga hor istaago Daawo Sawiradda

Hargeysa (GNS)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Cawil Maxamed Fiiqle oo la doonayey in loo Caleemo Saaro Suldaan ka mid Noqda Salaadiinta Beesha Koonfurta Hargeysa. 
DSCN4258 
Dadwayne tiro badan oo ku Sugnaa Hotel Shiraaqle ee Magaalada hargeysa oo ka soo qayb galay Xaflada Caleemo saarka ayaa Waji Gabax kala kulmay ka dib markii laba Askari kexeeyeen Suldaankii Xabsigana dhigeen, Taageerayaashii Suldaanka Cusub ayay ka Cadhaysiisay Talaabadaasi kuwaasi oo ku Adkaystay in Suldaanka oo Maqan la Caleemo saaro. 
DSCN4255 
Qaar ka mid ah Madax dhaqameedkii ka soo qayb galay Caleemo Saarka ayaa Canbaareeyay Tacadiga lagula kacay Suldaan Beeshiisu Caleemo saarayso oo Xukuumadu Xidhay “ waa suldaankii hawdka iyo magaalada aynu udooranayay isaga oo maqan ayaynu caleemo saaraynaa, rabshad bilaabi mayno hadii suldaankii la xidhay, wixii ilaahay ugu talo galay ayuunbaa soconay” sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah Madax dhaqameedkii madasha ku sugnaa 
DSCN4237 
Sidoo kale Caaqil ka mid ahaa madax dhaqameedka oo ka Dhiidhiyay xadhiga Suldaankooda Cusub lagula kacay ayaa waxa uu yidhi “Suldaan Cawil Maxamed Warsame, waa Suldaankeena Rasmiga ah, Rabitaanka Bulshada wax joojin karaa ma jiro, suldaanku isaga oo halkaa jooga ayuu ku Caleemo saaranyahay, cid cabudhin kartaa ma jirto rabitaankeena, suldaanku marka uu maqanyahay ayaa ka maamuus badan isaga oo jooga, halkiisaasi ayuu ku yahay suldaankeenii” 
Boqor Raabi C/laahi oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Beelaha Koonfurta Hargeysa oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka soo qayb galay Caleemo saarka ayaa ka hadlay Xadhiga lagula kacay Suldaanka, iyo Dareenkooda Beel ahaan ay ka qabaan in la xidho suldaan ku soo biiraya Saldanaha Somaliland “ Waxyaabo dhaqanka ku Ceeb ah ayaa jira, oo aad iyo aad ugu xun dhaqanka, ninka reerkiisu caleemo saarayaan, ee ay boqrayaan in la cabudhiyo, loo caga jugleeyo ama loo Cabudhiyo Cid gaar ah, wax aanu aqbali karayno maaha, cidna ka Aqbali mayno, waxaanu doonaynaa oo aanu xukuumada ka Codsanaynaa in sida ugu Dhakhsaha badanleh madasha lagu Caleemo saarayo loo keeno Suldaankii, wax aanu aqbali karno maaha, kuwa daba dhilifka ah, ku waa Caado qaatayaasha ah ee doonaya in ay Reeraha isku Diraan Wax aanu Aqbalayno Maaha, iskumana dilayaan Reerahayagu, walaahi in aanay is dilayn, reerahayagu waa mid, aqbalina mayno caada qaatayaasha ku dhex jira, waxaan idin Armayaa, oo aan idiin sheegayaa in haddii 24-ka saacadood ee socda, ilaa caawa ilaa barri la soo dayn waayo halkaasi ayaad fadhiyaysaan, qof qudhahina ma Bixi karo illaa halkaa la idiinku keeno” 
DSCN4244 
Boqor Raabi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“ Waxaa la leeyahay oo ay dhagahaygu Maqlayaan Kursi Madhan aynu Caleemo saarno, Caleemo saari mayno kursi madhan waa ceeb, reerkuna dhaqan uma laha, waxaynu nahay Saldanadii soo jireenka ahayd, waxaynu nahay reerkii dhaqan Somaliland kowda ka ahaa, dhaqankeena in lagu Ciyaarona dooni mayno, kuwa doonaya in ay ku Ciyaaraana ka yeeli mayno, waxaan uga Digayaa kuwa doonaya in ay dadka isku dhuftaan, waxaan leeyahay dadku ma gayaan isku dhufasho, idinkana waxaan idin farayaa in aydaan samaynin buuq iyo Aflagaado toona, inta la doonayo in aad samaysaan waxa weeyi, inaad isku dhacdaan, inaad buuqdaan, in aad is xagxagataan inta la idinka rabaa waa intaa, qofka intaasi sameeya walaahi anigaa xidhaya” 

Arintan ayaa noqonaysa Dhacdo ugub ku ah Dhaqanka somalida in Beel Caleemo saaraysay Suldaan dhaqameed laga hor istaago waliba xabsiga la dhigo, taasi ka mid noqonaysaa Talaabooyinka Cabudhinta iyo Tacadiyada Xukuumada Axmed Siilaanyo kula kacayso Bulshadii soo dooratay iyada oo ay Xabsiyada ku jiraan Salaadiin, Abwaanno iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo qaarkood illaa hadda maxkamad la keenin.DSCN4246 

Gabiley News Desk 
hargeysa Somaliland 
contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: