02 May, 2012

“Masaajidka Ayuu Ka soo Baxay ayaa La Odhanayaa, Hadda Waa Isaga oo 10 Hablood Boobay.”-Taliyaha Booliska JSL


“Masaajidka Ayuu Ka soo Baxay ayaa La Odhanayaa, Hadda Waa Isaga oo 10 Hablood Boobay.”-Taliyaha Booliska JSL

togaherer   
 “Waxaan Idiin Sheegayaa 2dii Bilood ee u Dambeeyay 114 Dhalinyaro ah Ayaanu Sharciga Horgaynay oo Lagu Kala Xukumay 700,000 SLSh, & Xadhig Kala duwan.”-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Gen. Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Hargeysa(Togaherer)- “WaxaanWeydiinayaa Taliyaha Ciidamada Booliska inay Jirto Xaafadaha Magaalada Hargeysa Qaarkeed amni Darro loo mari Waayo Habeenkii, kuwaas oo ay sameeyaan Dhalinyarada xaafaduhu iyaga oo Toorriyo iyo Faashash dadka ku Baadha islamar ahaantaana Moobilada dadka kaga qaada. Bal Arrintaa Waxaad ka Odhanayso Adigaan kaaga Baxayaa?.
Sidaa waxa ku tiraabay Wiil Dhalinyar ah oo la sarakacay Su’aal laabtiisa gubtay oo xalkeeda uu ula noqday Jananka guud ee Ciidamadda Bilayska Somaliland General Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Wiilkan yar oo kamid ahaa dadkii ka qayb galay barnaamijka Maqal Dadkaaga oo Telefishanka Qaranka Somaliland Baahiyo, Taliyaha Booliskuna Qayb ka ahaa Wefti uu Masuuliyiin Suaalo lagu weydiinayay Barnaamijka oo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Hogaaminayay.
Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan oo si Mug leh u Dhegeysanayay su’aasha wiilku weydiiyay ayaa Si hufan uga Fal celiyay una Garaabay Cabashada loo soogudbiyay. Aad iyo aad baad u Mahadsan tahay taa dhalinyarada waa Mashaakilaadka Booliska Hor taagan ee had iyo jeer sidaan filayo aad iiga Marag kacaysaan aad aragtaan goor walba annaga oo is eryanayna.
Waxaan Idiin Sheegayaa labadan Bilood ee u dambeeyay 114 Dhalinyaradaas kamid ah ayaanu sharciga hor gaynay oo lagu kala Xukumay 700 Kun oo SL Shilin ah, Qaar Xadhig kala duwan ayaa lagu xukumay. Haatanna Dadaalkii ugu Dheeraa ayaanu ku Jirnaa, Waana Dhalinyaradaas ugu da’da Yar ee Da’doodu u dhaxayso 14 Sanno jir Ilaa 20 Jir.
Xalay (Habeen Hore) oo u dambaysay Waad ka War hayseen Wixii Xaafaddaas Calaamadaha ka Dhacayay iyo Wixii na kala haystay.
Waxaan Idiin Ballan qaadayaa inaanu sida ugu macquulsan aanu wax uga qabano Horena waanu uga Qabanay ee imikana aanu Wadno, waayo dhalinyaradaasi kow bay ka yihiin waxyaabaha Dhiba bulshada. Qofku Qof buuiska caabin Karaa laakiin kuwani waa Koox koox Konton inan ah oo wadasocda.
Waxaan Halkan Fursadan uga Faaiidaysanayaa Bulshada Reer Somaliland Siiba Caasimadda Beri Hore Gobolka Awdal bayka dhici jirtay laakiin Tallaabo Adag baa Ciidamadda Amnigu ka qaadeen, Tanna (Hargeysa) waan ka qaadaynaa e Waxaan bulshadda Caasimadda ku dhaqan u soo jeedinayaa Bilaysku Keligii Wax ma Ilaalin karo Inankuna Tarbiyadda uu gurigooda kala yimaado ayuu Bulshaddaku soo dhex galayaa, waxaan leeyahay Kaas la qabtay ee aad ka Marag kacayso ayaa Marka aanu Saldhiga Keeno ee Maxakamada la gaynayo ayaa la odhanayaa masaajidka ayuuka soo baxay Hadda Waa isaga oo Toban Hablood dhacay oo Dilay oo boobay.
Markaa Taasna waxaan leeyahay waa in ay waalidku ka waantoobaan Inankiisii oo Inan (Gabadh) Walaashii ah Kufsaday ama Dilay Ama Moobilkii ka Qaaday Marka Bilaysku Qabto Masaajidka ayuu ka soo baxayda haka daayaan.
Waxaan Leeyahay Sida ugu macquulsan ayaan wax uga qabanaynaa, horena waan uga qabanay imikana waan ka qabanaynaa Ballana waan idinka Qaadayaa”. Ayuu Hadalkiisa kuSoo xidhay Taliyaha Guud ee Ciidamadda Bilayska Somaliland General Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Warqabadka Togaherer

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: