01 May, 2012

Madaxtooyadda Oo 80 Suldaan Kulmisay Ugana Digtay Ka Qayb-galka Shirka Lagu Ansixinayo Dastuurka....

Madaxtooyadda Oo 80 Suldaan Kulmisay Ugana Digtay Ka Qayb-galka Shirka Lagu Ansixinayo Dastuurka....

Madaxtooyadda Oo 80 Suldaan Kulmisay Ugana Digtay Ka Qayb-galka Shirka Lagu Ansixinayo Dastuurka Soomaliya iyo Salaadiinta Oo Ku Baaqay In Buur-Madow La Soo Daayo

Hargeysa  – In ka badan 80 Suldaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa maanta mar kaliya kulan loogu qabtay huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Kulankan oo ahaa kii koowaad ee noociisa ah ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiiro badan oo ka mid ah golaha xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Shirkan oo ahaa mid xukuumaddu Salaadiinta kaga waaninaysay ka qayb-galka shirarka Soomaliya, gaar ahaan shirwaynaha lagu ansixinayo dastuurka Soomaliya, ayaa waxa hadal ka soo jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Md Saylici, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in salaadiinta Somaliland mar kaliya meel isugu yimaadaan, isaga oo sidoo kalena ku waaniyey inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgalyada dalka oo ay door muhiim ah ku leeyihiin.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Saylici oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu kulankan idiinku qabanay inaanay dhicin inaga oo qarankeenu qaan gaadhay In la ina faqo oo dad inaga mid ahi intay tagaan shirarka ka socda Somaliya ay magaceena Somaliland sheegtaan ayaan idiinka digaynaa, waxaanan jecelnahay sidii aynu ku soo caano maalnay inaynu nabad galyadeena wada ilaashano dhamaanteen”

Ka sakow, hadalka Madaxwayne ku xigeenka Somaliland salaadiinta qaarkood oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxwayne ku xigeenka kula garnaqsaday in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay meesha ka saartay qodobkii dadka u diidayey inay ka qayb-galaan shirarka Soomaliya,sidaa daraadeedna aanay xaq ugu lahayn inay dadka kaantaroosho.

Dhanka kale, Salaadiinta ayaa sheegay in aanay waxba suurto-galayn ilaa xoriyadiisa loo soo celiyo boqor Cismaan Aw Muxumed Buur-Madow oo muddo laba bilood ku siman ku xidhan jeelka dhexe ee Hargeysa.

Kulankan oo markii dambe saxaafada laga saaray isla-markaana albaabada loo xidhay ayaan ilaa hadda waxa ka soo baxay aan laga war hayn, balse waxa la filayaa in xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo go’aan ka soo saarto ka qaybgalka shirarka Somaliya.



Ramaas




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: