03 May, 2012

Halkan ka dheehoo urur waliba shardiyaduu ku dhacay ee ay soo bandhigeen gudidu

Halkan ka dheehoo urur waliba shardiyaduu ku dhacay ee ay soo bandhigeen gudidu

Hargysa,-Shir jaraa'id oo ay qabteen gudiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabtu waxay soo bandhigeen qoraal ay mudo ka soo shaqeynayeen si ay isaga difaacaan dhaliilaha iyo cadaaladarada tiro beelay ee ururadii ay reebeen warbaahinta geliyeen,taas darteed ayey waxay soo bandhigeen liis urur waliba shardigu buuxin waayey ama shuruudahay sheegeen inay ku reebeen waana kuwan hoos ka muuqda:-

1- SSCD waa uu hadhay waxaanu ku hadhay isaga oo aan xafiisyo ka furan Goboladda Dalka marka laga reebo Maroodi-jeex iyo 1000kii qofna wuu ku hadhay dhammaan Gobolada .
2 -ururka Damal Xafiisyo kamuu furan Goboladda Saaxil , Togdheer iyo Sanaag 1000 kii qofna muu keenin Gobolna.
3 -Ururka Nuur xafiisyo ka muu furan Saaxil iyo Sanaag 1000 Qofna ee muu buuxin marka laga reebo Marood-jeex.
4 - Ururka Jamhuuriga Xafiisyo ka muu furan Goboladda Saaxil iyo Togdheer ,1000kii qofna muu buuxin marka laga reebo Maroodi-jeex.
5- Ururka NDB xafiisyo ka muu furan Goboladda Saaxil Iyo Togdheer muuna buuxin 1000kii qof Goboladda Saaxil,Sanaag iyo Sool.
6 -Ururka Horyaal xafiisyo ka muu furan Goboladda Saaxil iyo Sool manuu buuxin 1000kii qof Goboladda Saaxil iyo Sanaag waxa kale uu ku hadhay 1000kii qof ee liiska ahaa .
7 -Ururka Udhis xafiisyo ka muu furan Goboladda Sanaag iyo Sool ,manuu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa Goboladda Sanaag iyo Togdheer .
8- Ururka Badbaado Xafiisyo kamuu furan Gobolka Sool manuu buuxin 1000ki qof ee madaxtabashada aahaa Gobolada Sool iyo Sanaag .
9- Ururka Gurmad Xasfiis ka muu furan Gobolka Sool manuu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa gobolka Awdal” ayuu yidhi af-hayeenka guddida Diiwaan-galintu Xasan Macalin.

Wuxuu Afhayeenka gudida Xasan Macallin intaas raaciyey in labada urur ee NUUR iyo NDB oo uu tilmaamey inay dacaayado badan warbaahinta u gudbiyeen inay ku dhaceen shuruudihii loo baahna intooda badan,wuxuuna yidhi NDB shardina ma buuxin,shirweynihii ma buuxinoo wuu ku hadhay ,gole fulin ma leh ,gole dhexe ma leh.Dhinaca kale wuxuuu Xasan Macallin sheegay haweenkan ay Foosiya Yusuf ku doodayso uurkeeda kuma jiraane lixda urur ee soo baxayba wey ku jiraane hadalkeeda haw meel daydo.

Isku soo wada duuboo wuxuu afhayeenka gudiga diiwaangelinta Xasan Macallin shaaca ka qaadey in ururka NUUR ahaa kii ugu dhaqdhaqaaqa liitey 15ka urur,uguna dacaayadaha badnaa balse aan buuxin shuruudiihii laga rabeyba.

Dhanka kalena waxa uu Xasan macalin uu si fool xumo ah oo anshaxa ka baxsan u weerarary saxaafada xorta ah qaarkood oo sida shabakada Qarannews iyo wargyska Yool.

Qarannews
Hargeysa


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: