Gudomiyayaasha Ururada Jamhuuriga iyo NDB oo Wali ku Xidhan Saldhiga Dhexe ee Booliska Hargeysa
Sidii aad Hordhicii ku hayseen Waxa saaka Xabsiga loo taxaabay Labada Masuul ee Ururada JAMHUURIGA Axmed Sandoon iyo Marwada Gudoomiyaha u ah NDB Marwo Foosiya Yuusuf X. Aaadan.
Gaadhiga Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NDP Marwo Foosiya oo ay Ciidamadu ku sii Wadaan Saldhiga Dhexe. |
Waxay ahayd ambaaro 9.30 subaxnimo markii ay Gudoomiyayaashu damceen inay mudaharaad sameeyaan ay kaga cabanayaan Sida ay sheegeen cadaalad daro ay ku samayeen Gudida Diiwaangalinta Ururadu.
Mar qudha waxaa meesha ay joogeen oo ahayd Badhtamaha Magaalada Gaar Ahaan Khayriyada ama Baanka Ganacsiga soo buuxsamay ciidan ka RRU da oo ku hubaysan Sunta dadka kaga ilmaysiisa kuna Jeeri Qaaran Qoryaha loo Yaqaan Ak47.
Ciidamada RRU ayaa kala didiyey dadkii halkaa ku soo ururay oo aad u farabadnaa Waxaan arkayay oo kamaradaydu awoodi wayday Labadan masuul oo ciidanka RRU du ku sii jiidaya Saldhiga Dhexe Hargeisa waxa kale oo indhahaygu qabanayeen Gaadhiga Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NDB oo ay wadaan Ciidanka Boolisku.
Masuuliyiinta ay Qabqabteen Ciidanka RRU ayaa wali ku xidhan Saldhiga Dhexe Xukuumada iyo Ciidanka Boolisku wax War ah kamay Soo saarin….
Khadar Nuux Yoonis
knyonis@hotmail.com
No comments:
Post a Comment