04 May, 2012

GUDDIGA BEESHA IBRAAHIN SH.ISAXAQ (SANBUUR) OO XUKUUMADDA AXMED SIILAANYO UGU BAAQAY IN AY BOQOR BUUR-MADOW DEG DEG XORIYADIISA UGU SOO CELISO

Baaq lagu taageeraayo Boqor Cismaan Buurmadow In Xoriyadiisii Loo Soo Celiyo



GUDDIGA BEESHA IBRAAHIN SH.ISAXAQ (SANBUUR) OO XUKUUMADDA AXMED SIILAANYO UGU BAAQAY IN AY BOQOR BUUR-MADOW DEG DEG XORIYADIISA UGU SOO CELISO

 Gudiida beesha sanbuur oo naqdiyey xadhiga muddo dhaafay ee xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo kula kacday boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo muddo maxkamad la'aan ugu jira jeelka dhexe ee Hargeysa.

Gudiida  oo ugu horeyn ka jawaabaya su'aal la xidhiidha sida ay  u arkaan  xeer ilaalinta oo shalay maxkamada dib uga celisay boqor Buur-madow oo dacwadiisu furmi lahayd ayaa yidhi "Anagu waxaanu  u aragnaa in ninkaasi xuquuqdiisii meel lagaga dhacay, bil dhan ayuu xidhan yahay, wax kiis ah laguma soo oogin cadayna lama horkeenin, ninka Madaxdhaqameedka ahna lama soo xidhi karo ilaa xilka laga qaado, ninkani xil umadeed ayuu sidaa, umaddaa uu boqorka u yahay in lagu ixtiraamo ayuu  mudan yahay"

Waxay nuu nahay dal sheeganaya dimuqraadiyad haddana xoriyatul qowlka la isku xidhayo "Dadbaynu nahay dawlad leh oo dimuqraadiyad ayaynu sheeganaynaa, boqorku wuu hadlay oo joornaalada ayuu ku hadlay,

Waxaanu madaxweyne siilaanyo ugu baaqaynaa inuu shuruuud la,aan kusoo daayo boqor cismaan  oo xiriyadiisa usoo celiyo ,gudiidu waxay madaxweyne siilaanyo ku tilmaameen in uu yahay madaxweynihii Somaliland soo mara ee ugu cadaaaladda xumaa iyaga oo tilmaamay inuu ujeedo la,aan ku xidhay baqor buur-madow

Gudiidu waxay sheegeen in boqor buur-madow ay beelaha h/jeclo caleemo saareen cid kalena aanay dooran sidaa daraadeena ay ka dalbanayaan in si dhakhso ah  aad u soo dayso hadii kale wixii dhibaato ah ee ka dhaca in aad adigu masuul ka ahaan doonto.waxaanu xasuusinaynaa siilaanyo miyuu ilaawey isagu inuu ku hadli jirey wuxu boqorka ku haysto wax ka badan mise madaxweynuhu ma xasuusto.

Magacyada gudidda beesha sanbuur
1. Sh. Yuusuf abdi awed – gudoomiye
2. Jama ibraahim hirsi g/ku xigeen
 3. Mohamoud arab ahmed – xoghayn
4. Sh. Jama hinbir h. Farah khasnaji
5. Faarah h. Mohamoud igaal xubin
 6. Hassan ali mire xubin
7 Cabdilahi Xasan Nuur (Ina Bugaaxe)
8 Cabdi faarax guudcade
9 cabdi cismaan geele

Ala mahad leh



No comments: