DILOOYINKII Dhiciska ahaa Ee Guddiga Diiwaangelinta oo Cirka ku Laalay Mawqifyada Ururadii Hadhay
"..Ficilada ka Dhanka ah Shuruucda Dalka iyo Masiirka Ummada ee ay ku Kacayso Xukuumadani Cawaaqib-xumada ka dhalata Waxa Masuuliyadeeda Qaadi Doona Axmed Siilaanyo.."
Md. Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne)
"..Waa Fadeexad Qaawan oo Taariikhda u geli Doonta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.."
Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
"..Guddiga Diiwaangelinta waxa ku jira Xubno aan MASUULIYAD iyo MASIIR Ummadeed lagu Aamini karin.."
Md. Axmed Sandoon
Hargeysa-Hogaamiye-yaasha qaar ka mid ah Ururadii la sheegay inay ku dhaceen natiijada qiimeynta Ururada ayaa ku tilmaamay dhawaaqii Guddiga Diiwaangelintu ku sababeeyey qiimeyntooda Cudurdaar-raqiis ah oo Sharci, Cilmi iyo Aqoon mid midna ku fadhiyin.
Lix ka mid ah hoggaamiye-yaasha Sagaalkii Urur Siyaasadeed ee Guddiga Diiwaangelintu sheegeen in aanay ka qayb-geli doonin tartanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka oo Wargeyska Yool Khadka Telefoonka Xalay kula xidhiidhay kadib markii Guddiga Diiwaangelintu Shalay Warbaahinta u sheegeen cadeymo aan bislayn, waxay ku sheegeen in haba yaraatee aan waxba ka jirin arrimaha ay food-saarada uga dhigteen go'aankoodii, isla markaana Ururadoodu ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.
Sidoo kalena waxay dhawaaqa Guddiga Diiwaangelinta ku tilmaameen inuu yahay mid abaabulkiisu aanu iyaga ka iman, balse ay abaabulkiisu ahaa mid ka yimi dhinaca Xukuumadda. Sidaa darteed-na Xukuumaddu u adeegsatay awoodii Qaranka.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS Md. Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo Ururkiisu ka mid ahaa Ururadii ugu fadala – cadaa xiligii uu socday tartankii Kunka madax - taabashada, siiba Gobolada Togdheer iyo Sanaag, hase-yeeshee Guddigu sheegtay in aanu buuxin Kunkii madax-taabashada ahaa ee laga reebay Gobolada Togdheer iyo Sanaag, ayaa wax lala yaabo oo aan cilmi iyo caqli toona ku fadhiyin ku tilmaamay dhawaaqan cusub ee kasoo yeedhay Guddiga Diiwaangelinta, isla markaana ku dooday in ururkiisu Goboladaa ku soo bandhigay tiro ka badan intii laga rabay, sidoo kalena Xafiisyada Ururkiisu ka furnaayeen Gobolada Bariga Somaliland oo dhan, isagoo arrimaha ka hadlayana waxa Md. Dhegaweyne uu yidhi;
"..Hadalkaasi wuxuu ahaa wax lala yaabo oo aan sharci, cilmi iyo caqli toona ku fadhiyin, wax la dafiri karo maaha in Ururka UDHIS uu buuxiyey dhamaan shuruudihii looga baahnaa, Togdheer iyo Sanaag waxay ka mid ahaayeen Gobolada aanu ugu taageerada badan nahay Burco in badan 5000 ayaa taagnaa oo anaa goob joog ahaa cadeymihii maqal, muuqaal iyo qoraalna waanu haynaa, Markhaatiyadiina wey joogaan, Gobolka Sanaagna taageerayaal buudoon xoog leh dheereeyey intii la nooga baahnaa ayuu Ururka UDHIS soo bandhigay, Ururka UDHIS Gobolada Sanaag iyo Sool.. Qorshahani wuxuu ahaa mid ay sii diyaariyeen Wasiirada Axmed Siilaanyo kuwa ay noqonayaan ururada soo baxay ka hor ku dhawaaqida oo iyadu awoodii Dawlada u adeegsatay kala reebida ururadii tartamayey, iyaguna [Guddiga Diiwaangelinta] loo dhiibay ayey ugu dhawaaqeen, mana madax-bannaana, sidii markii hore ayey Maantana wax aan lahayn dallo sharci iskaga hadleen, markaa maaha niman gacmaha wax ugu jiraan, waana nasiib darro in masiirkii ummada sidaa laga yeelo, wax aanu qaadan karno maaha.. Guddigani waa Guddi Diiwaangelineed ee maaha guddi kala reebid, markaa shaqadoodu waa mid Diiwaangelineed ee Iyagu sharciyad iyo awood kala reebineed malaha. Wax lala yaabo ayaanu u aragnaa".
Mujaahid Ibraahin Dhegaweyne oo hadalkiisa sii waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; "Qarankani marxalado badan oo mid waayihiisa lahaa ayuu u soo maray dhismaha haykalka Dawlad-nimo ee Somaliland, dalkana waxa ka jira shuruuc ay ku xardhan tahay tubta hoggaanku u marayo hagida maamul, sidaa awgeed, cidna Suurtogal uma aha intuu ka baydho sharciyada ummadu dhigatay oo uu mid Jeebka kala soo baxay ummada ku Xukumo.. Ficilada ka dhanka ah Shuruucda dalka iyo masiirka ummada ee ay ku kacayso Xukuumadani cawaaqib-xumada ka dhalata waxa masuuliyadeeda qaadi doona Axmed Siilaanyo, dhoola-ka-qosolkuna Dhako-faar buu ku dambeyn, ummadanina wey la xisaabtami doontaa "
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Gurmad Md. Nuur Faarax, ayaa isaguna geestiisa deedafeeyey dillooyinka Guddiga Diiwaangelinta oo uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn waxana uu sheegay in tallaabadani ka mid ahayd waxyaabihii ay filayeen, hada wixii ka dambeeyana ay xujooyin cad cad ku furdaamin doonaan dacwadooda.Guddoomiye Nuur oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; "Gurmad waxa uu buuxiyey dhamaan shuruudihii Ururnimo ee looga baahnaa, Waxba kama jiraan labada arrimood ay ku sheegeen in Ururkayagu ku hadhay, meesha keliya aanu laba xafiis ku lahayn waxay ahayd GOBOLKA Sool… Waxa keliya ee aanu sugaynay wuxuu ahaa inay Guddigu noo cadeeyaan waxay u cuskadeen reebista Ururka GURMAD, waana ilaahay mahadii inay inoo sheegeen. Hadalkooda ayaana noogu filan in Ururka GURMAD guuleystay, Guddigu waxay hadalkooda ku qirayaan in Gurmad 95% uu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa. Markaa Guddiga waxaanu ka codsanaynaa inay go'aanka oo qoraal ah, ka dibna Maxkamada ayaanu Rafcaan uga qaadaynaa, Maxkamada hor ayaanu ka cadeynaynaa in Ururka GURMAD uu buuxiyey Shuruudihiisii, si cad ayaanu u burinaynaa labadaa arrimoodba.. go'aanka Maxkamadana waanu ku qancaynaa marka loo maro nidaamka sharciga ah".
Guddoomiyaha Urur- Siyaasadeedka JAMHUURIGA Md. Axmed Sandoon ayaa isaguna dhinaciisa si adag ugu naqdiyey Guddiga Diiwaangelinta, waxa uu ku dooday inay Urur ahaan ay kasoo baxeen dhamaan tiirarkii aasaasiga u ahaa dhismaha haykal urur-nimo, isla markaana waxa uu eedeyn u soo jeediyey Golaha Wakiillada, waxa uu yidhi; "Waxba kama jiraan xujada ee Ururkayaga taayaduna [JAMHUURIGA] wey ka duwanayd ururada kale oo tiradii Saddexda Urur ee midoobay ka helaan Gobolada isugu geynta wadartooda guud ayuu Ururka JAMHUURIGU leeyahay, .. Ururad Siyaasadeedyada JAMHUURIGA iyo NUUR ayaa markii hore ku midoobay JAMHUURIGA oo Shirweyne wada qabsaday, qaab-dhismeed Ururna wada sameysatay, ka dibna Ururka DAMAL ayaa la midoobay JAMHUURIGA, sidaas ayaanu Guddiga Diiwaangelinta ugu gudbinay marag muujin ay ku cadahay qaab-dhismeedka Ururka JAMHUURIGA, sidii guddigu hore noogu dhiirigelinayeenayey noogu hambalyeeyeen midowgayaga, markii dambe wax is bedelay garan mayno.. Sidaa darted Ururkayagu wuu buuxiyey shuruudihii.. laakiin Nimankani waa Niman badheedhaya oo aan eegayn sharciyad iyo nidaam toona aakhirona aan ka cabsanayn.. balse anagu sidaa kaga hadhi mayno'e sharciga ayaanu la tegi doona, waxaanu arrintayada u maraynaa dariiq kasta oo sharcigu noo saamaxayo".
Axmed Sandoon oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; "Sidii Xirsi [Wasiirka Madaxtooyada] ka sheegay HCTV wixii Maskaxdiisa ku jiray ayuu ku hadlay,.. Guddiguna wixii Maskaxdooda ku jiray ayey ku dhawaaqeen, Xukuumadda ayaana Maamushay.. Sida la sheegay Guddiga Diiwaangelinta waxa ku jira xubno aan masuuliyad iyo masiir ummadeed lagu aamini karin oo Madaxweyne Cigaal arrimahaa darteed uga mamnuucay in aanay dalka xil ka qaban Karin. Sidaana waxa ummada ugu wacan Golahii Baarlamaanka ee xilku ka saarnaa ee xubnaha Guddiga ansixiyey oo iyaga oo garanaya in aanay qaarkood masiir ummadeed qaadin Karin, dembiga oo dhana iyaga ayaa leh."
Sidoo kale Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka NDP Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa si faahfaahin ka bixisay marxaladihii kala duwanaa ee uu Ururkeedu u soo maray tartanka wejiyadii hore waxana ay wax lala yaabo ku tilmaantay dhawaaqa cusub ee Guddiga Diiwaangelinta, waxana ay tidhi; "Waxba kama jiraan hadalkaas, waana wax aad loola yaabo, waa hubaal in Ururka NDP ee dhamaan Gobolada dalku ay si rasmi ah laamaha Ururku uga hawl-galaan, isla markaana mid kasta mid Ururku kusoo bandhigay tiradii looga baahnaa, Guddiga Diiwaangelintu kusoo mareen.. Ururka NDP waxa u u dhisan dhamaan shardiyadii astaanta u ahaa qaab-dhismeedka Ururnimo, Ururku waxa uu qabsatay Shirweyne uu doortay hoggaankiisa, Xubnaha Golihiisa iyo Guddidiisa fulinta, kuna ansixiyey Dastuurka iyo Barnaamijka Ururka, kaasoo ka war qabtay cadeymihiisana aanu u gudbinay, waxa wax lala yaabo ah in markii uu garan waayey Xasan Macalin [Afhayeenka Guddiga Diiwaangelinta) oo isagu si shakhsi ah ii ataagay aniga iyo Ururkayaga NDP ayuu mar-marsiiyo ka dhigtay masabidaad qaawan iyo inuu dafiro Qaab-dhismeedka Cad ee Ururka NDP, Taageerashayadii Gobolada iyo Xafiisyadii Markhaati ma doonta ahaa, wax la qaadan karo iyo wax aanu aqbalayno toona, cadeynteeda ayaa looga fadhiyaa..Tan [hadalka guddiga diiwaangelinta] ayaaba tii hore ka sii daran, waana fadeexad qaawan oo taariikhda u geli doonta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.. laakiin ka hadhi mayno ilaa inta aanu ka gaadhayno Xuquuqda Dastuurku noo damaanad qaaday ee si cad la nooga duudsiyey, ka hadhi mayno tallaabada ku baadi-goobayno Muwaadiniintayada lagaga duudsiyey xorriyadoodii, Xuquuqdoodii aasaasiga ah ahayd inay wax dooran karaan lana dooran karo iyo sida awood Dawladeed taageerayaasha Ururka loo diiday inay dareenkooda cabiri karaan.".

No comments:
Post a Comment