12 April, 2012

Xukuumadda Oo Wax-Ka bedel Ku Samaysay Qaar Kamida Liisamadda Iyo Tacriifadaha Qaarkood


Xukuumadda Oo Wax-Ka bedel Ku Samaysay Qaar Kamida Liisamadda Iyo Tacriifadaha Qaarkood

Tacriifadan cusub ee ay Wasaaradda Maaliyadu dhaqan galisay isla shalayba waxa soo Ansixiyay.............................

Hargeysa(GNS):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa soo saaray Digreeto uu ku dhaqan galinayo wax ka bedel uu ku sameeyay Tacriifadaha iyo Liisamada Wasaaraddaha Dakhli soo saarka qaarkood, iyadoo Digreetadu saartay waxyaabaha faakidaysiga ah ee sida Jaadka, Sigaarka iyo Baabuurta yar yar lacago korodhsiimo ah, halka ay waxyaabaha Daruuriga ah ee Culaysku saarnaana ay ka dhintay amaba ay qaarkood Laashayba. 

Tacriifadan cusub ee ay Wasaaradda Maaliyadu dhaqan galisay isla shalayba waxa soo Ansixiyay Golaha Wakiiladda kadib markii Wasiirkii hore ee Maaliyadu dalbaday si Dakhli soo saar la jaan-qaada Miisaaniyadda loo helo in meelaha ay ka soo bixi karto la kordhiyo meelaha kalena laga dhimo taasoo Madaxweyne Siilaanyona ku raacay, wasiir Samaalena dhaqan galiyay kadib markii Goluhu u soo sharciyeeyay 
Qoraalka Rasmiga ah ee uu dhaqan galiyay Wasiirka Maaliyadda C/casiisa Samaale ee wax ka bedelka Tacriifadaha Cashuuraha iyo Liisamada oo maanta warbaahinta qaarkeed baahisay ayaa u dhignayd: 
Ujeedo: Dhaqan gelinta wax Bedelka Tacriifadaha 2012 
Anigoo tixraacaya warqada Madaxweynaha JSL ee tirsigeedu yahay JSL/M/XERM/249-1026/042012 ee 07-04-2012 iyo xeer Madaxweyne No: 0225/0421012 ee 07-04-2012 oo lagu baahiyay dhaqan galka lifaaqa wax ka bedelka Tacriifada Cashuuraha iyo Liisamada iyo Warqada Golaha Wakiilada ee tirsigeedu yahay GW/G/KF-17/555/2012 ee 04-04-2012 kuna ansixiyeen lifaaqa Wax ka bedelka Tacriifada Cashuuraha iyo Liisamada. 
Sidaas awgeed, waxa madaxda warqadani ku socoto lagu wargalianayaa inay dhaqan galiyaan wax ka bedelka Tacriifada Cashuuraha iyo Liisamada ee halkan ku lifaaqan laga bilaabo taariiikhda warqadan. Madaxda Ogeysiintan ku lehna waxaa laga codsanayaa inay gacan buuxda ku siiyaan fulinta sharciga, kaas oo hirgalintiisu wax weyn ka tari doonto ka midha dhalinta Miisaaniyadda 2012. 
Wax ka bedelka Tacriifada 
Sida caadadu tahay waxaa wax ka bedel iyo dib u eegis lagu sameeyay tacriifooyinka Cashuuraha Adeegyada Dawladdu qaado sanadkiiba hal mar. 
Sidaas darteed, Sanadkan waxaa laysla qaatay in wax ka bedel lagu sameeyo tacriifooyinka Cashuuraha waana sidan soo socota. 

C/raxmaan Muuse Yuusuf 
Gabiley Reporter News 
Hargeysa/Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: