Xisbiga Ucid oo ku Tilmaamay Talaabadii Kulmiye iyo Xukuumadu kula kacday C/raxmaan C/qaadir Mid Digtaytarnimo
Sida sharciga Axsaabtu yahay Shirwayne ayaa lagu Doortaa Hogaanka Xisbiga
Hargeisa (GNS)-Xoghayaha Arimaha Siyaasada Xisbiga Ucid Aadan Maxamed Ibraahin (Maganaayo) ayaa isaguna si Adag u Cambaareeyay Qaabkii Maamus Darrada ahayd ee Xisbiga looga Saaray Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaaadir Faarax
Aadan Maxamed Ibraahin oo Khadka Telefoonka ugu Waramay Shabakada Wararka ee Gabiley News ayaa ku Tilmaamay arintaasi in ay dhaawac gaadhsiin karto Dimuqraadiyada ka Dhex jirta Axsaabta iyo Guud ahaanba Somaliland " Waxaanu u Aragnaa Arintaasi in ay tahay mi dhaawac u gaysanaysa Dimuqraadiyadii Somaliland iyo Tii Xisbiga kulmeye labadaba, in Gudoomiye ku Xigeenkii Xisbiga si Sharci Darro ah looga Saaro Xisbiga oo Waliba la Garaaco"ayuu yidhi Aadan Maxamed Ibraahin
Xoghaya oo hadalkiisa sii wataa "Sida sharciga Axsaabtu yahay Shirwayne ayaa lagu Doortaa Hogaanka Xisbiga, Shirwayne ayuunbaana lagaga Qaadi karaa,anigu ma qabo in Xisbiga kulmiye Xeerkoodu sidaa ka badalyahay balse anigu waxaan qabaa axsaabtu in ay isku wada xeertahay, waxa kale oo meesha ku jirtay maamuuska uu leeyahay Masuul qaran oo ka mid ah Masuuliyiinta ugu Saraysa Xisbiga in laga Saaro Golaha oo loo diido inuu ka jawaabo eeda lagu soo eedeeyay oo la yidhi ma hadli kartid arintaasi waxay muujinaysaa Diktaatooriyad"
Aadan Maxamed Ibraahin waxa Carabka ku dhuftay in ay Ayaan darro tahay in Xoog iyo Ciidan loo adeegsado Masuul ka mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye taasi oo uu ku Tilmaamay in ay tahay Arin ka hor imanaysa Nidaamka Axsaabta
"Arintaasi qalad ayaanu u aragnaa in Masuul sare oo ka Tirsan Xisbiga Xoog iyo Askar loo Adeegsado, loona Diido fikirkiisa inuu gudbiyo, Arintaasi waxay u Muuqataa Cabudhin iyo dimuqraadiyadii Xisbiga Dhexdiisa oo noqotay waxaan jirin, nidaamkaa Xisbiga iyo Xukuumaduba ay u Dhaqmeen Waa mid Fool Xun, oo dimuqraadiyada Dhaawac u gaysanaya oo aan Wanaagsanay" Ayuu yidhi Aadan Maxamed Ibraahin
Dareenka ka dhashay Jidka loo maray xil ka qaadista gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye ayaa ah mid kala duwaan iyada oo dadka qaar aaminsan yihiin inay boog madaw ku noqon doonta masuuliyiinta xisbiga kulmiye oo uu ugu horeeyo madaxweyne siilaanyo oo ay fartu ku godan tahay inuu ka soo shaqeeyey sidii xilka looga qaadi lahaa C/raxmaan C/qaadir.
Gabiley News Desk
Contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment