16 April, 2012

Madax Dhaqameedka Galbeedka Burco Oo u Balamay kulan lagaga TashanayoTallaabadii Xukuumadu Kula Kacday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

Madax Dhaqameedka Galbeedka Burco Oo u Balamay kulan lagaga TashanayoTallaabadii Xukuumadu Kula Kacday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

Kulamada oo ka dhici doono Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, ayaa la filayo in ay hogaanka dhaqanka

Hargeysa (GNS) - Madaxda dhaqanka ee beesha Galbeedka Burco ayaa Xalay Bilaabay kulamo goos-goos ah oo ay ugu gogol-xaadhayaan shirar ay beeshu jawaab kaga bixin doonto tallaabadii ay xukuumadu Madaxweyne Siilaanyo kula kacday guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo xooga laga saaray, isla markaana ay ciidamada amaanku u garaaceen si fool xun intii uu socday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, taasoo sababtay oo loola cararo cisbitaal. 
Kulamada oo ka dhici doono Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, ayaa la filayo in ay hogaanka dhaqanka ee beeshaas, is- kula soo qaadi doonaan, sidii talo midaysan looga yeelan lahaa hab dhaqanka xukuumadu ee ku aadan beeshaas, waxaana ay madaxdu dhaqanku si kulul u cambaarayn doonaan falkaas. 
Mid ka mida hogaamiyayaasha dhaqanka beesha Galbeedka Burco oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay Ramaasnews in ay kulamado sida oo kale lagu soo qaadi tabashooyin soo jiitamayay oo ay ka tirsanayeen maamulka Madaxweyne Siilaanyo. 
" Waxa aan wadatashi ka yeelan doonaa oo Habar Yoonis isaga imanaysaa waa badan yihiin, laakiin ninka Ina Cabdiqaadir oo hantidiisii iyo naftiisii Siilaanyo u huray waxa lagu sameeyay, afka ka xidhan mayno oo duli qaadan mayno. Waxa uu Odaygan (Siilaanyo) reerkan ku hayaa waa badan yihiin waana wax muuqda" ayuu yidhi madaxda dhaqameedkaas. 
Falka lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa cambaareeyay siyaasiyiin , Sallaadiin iyo dad oo magac leh,kuwaasoo fal waxashnimo leh oo lagu burburinayo dimuqraadiyada taagta daran ee dalka hirgeliyay sannado ka hor. 

Gabiley News Desk 
Contactgabiley@yahoo.com 


No comments: