26 April, 2012

Xarunta Beder oo Hargeysa ku soo bandhigtay Cilmi-baadhis Culus


Xarunta Beder oo Hargeysa ku soo bandhigtay Cilmi-baadhis Culus


Xarunta Beder ee Diraasaadka Mustaqbalka & Talobixinta ayaa maanta oo khamiis ah ku soo bandhigtay magaalada Hargeysa, cilmi baadhis balaadhan oo ay ka ay ka diyaarisay aragtida bulshada ee ku aadan saameynta hawlgalka Dawladda Hoose ee Hargeysi ku yeelatay bulshada Somaliland,
Cilmi baadhistan oo loogu magac daray "sidee looga baaqsadaa: TUUGSI, TAHRIIB & TUUTAYSI" lagu soo bandhigay hoolka shirarka ee hotelka Safari ee hargeysa, iyadoo ay ka soo qayb galeen bandhigan wasiirka arimaha gudaha, wasiirka diinta iyo awqaafta, maayarka caasimadda, xoghaya dawladda hoose iyo marti sharaf kale oo badan.

Diraasadan oo uu si gaar ah u diyaariyey machadka cilmi baadhista iyo horumarinta (BIRD) oo ah machadka xarunta Beder u qaabilsan hawlaha cilmi baadista ayaa xog ururinteedu socotay mudo toban maalmood ah oo xidhiidh ah.

Cilmi baadhistan oo ka koobneyda lix cutub iyo 58 bog ayaa guud ahaan muujisay in bulshada ku dhaqan Caasimadda hargeysa soo dhoweeyeen halgalkan, iyagoo dhinaca kale aad u dhaliilay qaabka loo fuliyey hawlgalkan.
Gebagebadeedii cilmi baadhistan oo lagu soo bandhgay dhaliilo kulul oo ku aadan hay'adaha dawladda ee hawshan ku lugta lahaa iyo qaabka ay u maareeyeen hawlshan, ayaa lagu soo xidhay talooyin wax ku ool ah oo xaruntu u soo jeedisay masuuliyiinta dawladda iyo guud ahaan bulshada Somaliland.
Bandhiga ka bacdi waxa hadlay xoghayaha guud ee dawladda hoose mudane,

Adan Weris oo si ad u difaacay dhaliilaha loo soo jeediyey dawladda, sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay maayer magaalada hargeysa Eng Hussein Jiciir oo guud ahaan soo dhoweeyey cilmi baadhista isagoo sidoo kale difaacay dhaliilaha loo soo jeediyey, waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta sheekha khaliil ahmed iyo wasiirkii arimaha gudaha ee hore, iyagoo labadooduba soo dhoweeyey cilmi baadhistan iyo natiijada ka soo baxday, waxa ugu danbeyntii soo xidhay bandhigan wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland, Mudane Mohamed Nuur Caraale (duur) isagoo qirey inay jireen dhaliilo iyo tabashooyin, hase yeeshee dhinaca wanaagsan ee hawlgalkani mar walka ka badnaa dhinaca dhibaatada ka dhalatey, waxaanu hoosta ka xariiqay inuu ku faraxsanyahay in cilmi baadhistani soo bandhigtay in dawladdu shacabkeeda garowshiiyo ka heshay laguna taageersanyahay hawlgalkan, isagoo bogaadiyey dawrka wax ku oolka ah ee xarunta beder ay ummadda u hayso, isla markaana tibaaxay inay diyaar u yihiin wixii wada shaqayn ah ee xarunta beder ay wadaagi karaan looguna adeegayo bulshada.



No comments: