26 April, 2012

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Markiii Sadexaad La Hor Keenay Masuuliyiintii U Xidhnaa Eedaha Musuqmaasuq.

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Markiii Sadexaad La Hor Keenay Masuuliyiintii U Xidhnaa Eedaha Musuqmaasuq.

Masuuliyiintan eedaymaha musuqmaasuq u xidhan oo kala ah....

Hargeysa (GNS)- Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta markii sadexaad la hor keenay Masuuliyiintii u xidh xidhnaa eedaha musuq maasuq, kuwaas oo muddo dheer ay soo daba jiitan tay eedahoodo, balse ilaa hada aanay jirin wax go'aan ah oo ay Maxkamadu ka gaadhay. 

Masuuliyiintan eedaymaha musuqmaasuq u xidhan oo kala ah badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), agaasimihii guud ee wasaaradda dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac, kuwaasi oo eedaha musuq maasuq ee loo xidhay ay ahaayeen in ay musuq maasuqeen raashin loogu deeqay dad dan yar ah. 

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta amaankeeda aad loo adkeeyey, isla-markaana la hor dhoobay ciidamo badan oo boolis ah, iyada oo loo diiday inay saxaafadu ka qayb-gasho dhageysiga dacwadooda, ayaa waxa xeer ilaalintu maanta maxkamada horkeentay saddex markhaati oo ay ku jiraan dad ganacsato ah, kuwaasi oo xeer ilaalintu maxkamada horteeda u keentay inay cadeeyaan waxa ay ka ogyihiin dambiga loo haysto saddexda masuul. 

Maxkamada ayaa sidoo kale wax goob joog ka ahaa qareenadii difaacayey Masuuliyiintan u xidh xidhan eedaha musuq maasuq, iyada oo dadka Maxkamaduna dhagaysatay markhaatiyada ku oogayey dacwadan iyo qareenada difaacayeyba. 

Dad goob joog ka ahaa dacwadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aanay arag Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi Jeex Xamarji oo ka mid ah masuuliyiinta u xidh xidhan eedaha musuq maasuq oo raashin bakhaar dhigaya. 

Warbaahinta ayaan iyagu ka soo qayb galin dhagaysiga dacwada sababo la xidhiidha amaro lagu amray in aanay maxkamada ka soo ag wareegin. 

Sacad Muuse Cabdi 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa/ Somaliland




No comments: