20 April, 2012

Wasiirada Siilaanyo oo Xaflad Shabahda Kuwii CURUBA Iyo TALEEX ku Qabsaday Ambassado

Wasiirada Siilaanyo oo Xaflad Shabahda Kuwii CURUBA Iyo TALEEX ku Qabsaday Ambassado

..Maxaa Ka Jira in Xukuumaddu ku Hawlan Tahay Qorshihii ay ku Reebi Lahayn Ururada Ilkaha Kulul..


Hargeysa-Wasiiradda Xukuumadda Siilaanyo oo tiradoodu 35, ayaa Shalay Galab ilaa Xalay Cawayskii dambe kulan gaar ah oo aan cidi ku wehelin ku yeeshay Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirada Xukuumadda Siilaanyo oo dhinaca Siyaasada hadda Raaf-dilaacsadeen, ayaa inkastoo Kulankooda, hadana sida ilo wareedo ku dhaw-dhawi u sheegeen Wargeyska YOOL, waxa inta badan ay Wasiiradu ku qaadaa dhigeen arrimo ku taxaluqa duruufaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan Mucaaridada Xoogan ee Xukuumadda kaga soo butaacday Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaasoo facaa’iladii ka dhex dhacay ay hoggaamiye Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ku dhaliileen hoggaamiyeyaasha Axsaabta, Siyaasiyiin iyo beelaha Somaliland qaarkood.

Waxa kale oo sida iluhu tibaaxeen ka mid arrimaha xal-u-helidooda wada hadalada dhexmari doono Somaliland iyo Soomaaliya, ku dhawaaqida Guddiga Diiwaangelinta ee qiimaynta Urur-Siyaasadeedyada cusub oo ku eg Jimcaha Maanta iyo Dacwadaha ka socda Maxkamada Gobolka Hargeysa ee ay garsugeyaasha ka yihiin Boqor Buurmadow oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland Saddexdii Mas’uul ee lagu soo eedeeyey Musuq-maasuqa Raashinkii Mucaawinada ahaa.

Arrimahan aynu kor kusoo xusnay oo ah kuwo saamayn Siyaasadeed oo xoogan ku yeelan kara Xukuumadda hadda oo marka loo eego Xukuumaddii hore uga nugayl badan dhaliilaha, waxa dhacdooyinkani u muuqdaan inay yihiin kuwo haddii aanay maarmo deg-deg ah u helin ku kicin kara mawjado siyaasadeed sida Sunaamigii ku dhuftay eeshiya hal kusoo butaaca.

Geesta kale marka laga yimaado Shirka Golaha Wasiirada Shalay Galab ilaa Xalay ka socday Ambassador, hadana hadal haynta ugu badan ee intii uu socday goob walba bulshadu isla gaalaa baxaysay waxa ka mid ahaa natiijada kasoo bixi doonta Guddiga Diiwaangelinta Ururada ee ku saabsan kuwa ay noqonayaan ururada kusoo bixi doona iyo kuwa ku silban doona natiijada hore ee qiimaynta ururada, iyadoo kalena hadal arrintan Carabka bulshada ku badnayd in Xukuumaddu qorsheynayso inay kala saarisa ururada ee Guddiga Diiwaangelinta uga faa’idaysato fursad ay ku reebto ururada ay u aragto inay khatarta ku yihiin isla markaana kusoo saarto kuwa u ilkaha qabow.

Arrinta arrinta labaad ee kusoo xigtay mida hore ayaa ahayd Qaraxii Siyaasadeed ee ka dhacay Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE, taasoo firidhka Dildilaaceedu uu gaadhay dhamaan Gobolada dalka oo qaarkood markii horeba ay ka jireen cabashooyin la xidhiidha Saluugyo ku jihaysan filashadii rajadii dadweynuhu dadweynuhu Xukuumadda ka qabay oo la waayey.

Falaanqaynta qodobada kale ee kusoo xigay kuwan aynu kor kusoo sheegnay oo iyaga laftigoodu aan dab yar shidayn, ayaa waxa ka mid ahaa dooddaha Xukuumaddu la tegi doonto Wada hadalada Xukuumaddu la yeelan doonto iyo xubnaha gadh-wadeenka ka noqon doona.

Dhinaca kale Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa waxay ujeeddada shirkan ku fasireen tamashle iyo daasho-daashood aan ka baxsanayn Casuumado ka turjumaya barwaaqo hees. Si kastaba ha ahaatee, waxan murran ku jirin in Hoggaamiye Siilaanyo ay lasoo derseen duruufo Siyaasadeed oo xanaf badan, iyadoo sidoo kalena Ragga barbar jooga ay ku yar yihiin Siyaasi Maalin gelinkeed lagaga ledi karo furdaaminta xaaladaha ee Cokan ee ku gedaaman

Marka laga yimaado shirkan waxa Xalay laga dareemayaa magaaladda Hargeysa Somaliland h foojignaan dheeraad ah oo ay Ciidamadda Booliisku wadaan adigoo dareemaya goob kasta oo is-goys ah askari ku joojinaya oo ku baadhaya.



Yool




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: