Dhegaweyne oo si weyn uga biyo diiday natiijadii lagu reebay ee gudiga diiwaangelinta shaaciyeen |
Hargysa,-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka la reebay ee UDHIS Ibraahin Dhegaweyne ayaa si weyn uga biyo diiday qaadacayna go'aankii gudiga diiwaangelinta ururadu ku reebeen ururkiisa UDHIS oo ay sheegeen inuu marxaladii koowaad amaba wejigii hore ku hadhay .Ururka UDHIS ayaa ka mid ahaa 15kii urur siyaasadeed ee dhawaan dalka laga dhawaaqey oo sagaalka ka mid ah gudiga diiwaangelinta ururadu sheegeen inay buuxin kari waayeen shuruudihii laga rabay si ay uga qeyb galaan doorshad dawladaha hoose ee la filaayo inay dalka ka dhacaan waqti aan cayinayn.
Gudoomiye Dhegaweyne ayaa sheegay inuu jiro go'aan diyaarsanaa oo hore u yaaley oo loogu talo galay in urukooda UDHIS lagu reebo,waxaanu si toosa iyo si dadbanba u sheegay cida go'aankaas lahayd oo uu ku tilmaamey cidii soo magacowday gudiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta siyaasada oo uu ula jeedo Madaxweyne Siilaanyo,wuxuuna yidhi "Gudigan waxaa soo magacowday qof qudha oo ay u shaqeynayeen kaasaana na reebay"!. Sidoo kale ayuu gudoomiye Dhegaweyne cadeeyey inaanu ku qanacsanayn natiijada gudiga diiwaangelinta ururadu soo saareen ugana wareegi doonaan meeshii looga wareegi jiray ama ay ka fursan waayaan,wuxuuna yidhi "Go'aankaas gudiga diiwaangelinta ururadu soo saareen aqbali mayno noona cuntami maayo". Dhinaca kale wuxuu Dhegaweyne sheegay in la sii daayey oo ay soo baxeen ururadii dadka basaska ku wadey lixda gobolba ee qasnadaha lacagta loo furay balse kuwii ururkiisa UDHIS ka mid ahaa ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ee gobol kastana kunkii qof ee loo baahnaa iyo dheeraad soo tubay ee bini-aadamkoo dhami markhaatiga ka ahaa in been laga sheego oo nala reebo ogolaan mayno. Isku soo wada duboo wuxuu sheegay in ururkiisa UDHIS baadil lagu reebay sidaas daradeed ay go'aan urur soo saari dooonaan saacadaha soo socda waxay ka yeeli doonaan maadaba laga dulguuray oo la reebay, wuxuuna intaas raaciyey inay u badheedhi doonaan sidii ay gudiga diiwaangelinta ururadu ugu badheedheen.. |
No comments:
Post a Comment