28 April, 2012

Wasiir Samaale Ma ka Dabaalan Doona Utunihii Dhaxlay Mise Wuu Ladhi?


Wasiir Samaale Ma ka Dabaalan Doona Utunihii Dhaxlay Mise Wuu Ladhi?



Hargeysa-Waxay ahayd Sodon Cisho ka hor markii kana sib kana saar ka dib uu Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale la wareegay xilkii Wasiirka Maaliyadda, xilkaas oo uu hore u hayey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Siyaasi ay isku deegaan kasoo jeedaan.

Wasiir Samaale Nin Dhalinyaro ah, waxa uu Saaxada Siyaasada faraskiisa u soo jaraystay wakhti aan ka fogeyn Sanadkii 2004, hase-ahaatee waxa magaciisu bulshada si mug leh ugu fiday ka dib Doorashadii Golaha Wakiillada, xiligaasoo uu Guddoomiye-ku-xigeen ka noqday Golihii la soo doortay, sidoo kale waxa marka magaciisa la soo hadal qaado bulshada inteeda badani weli ku xasuustaan weerar iyo weerar-celiskii u dhexeeyey isaga iyo Madaxweynihii hore Md. Rayaale.

Gees kale hadii aynu ka eegno Md. Samaale waa Nin fur-furan oo aftahan ah, inta badana hadalkiisa ibo-fur uga dhiga aayadaha Quraanka Kariimka, isagoo si hadal-tir la'aani ku jirto ugu abaara hadba mawduuca uu ka hadlayo.

Inkastoo aan weli la joogin wakhti la saadaalin karo wax-qabadka Wasiirka cusub, hadana waxa isweydiin mudan Wasiir Samaale Ma ka Dabaalan Doona Utunihii uu Dhaxlay Mise Wuu Ladhi doona?

Caqabadaha ku xeeran Wasaarada Maaliyadda ee wax-ka-qabashooda ay bulshadu ka filayso Wasiir Samaale waxa ka mid ah Isu dheeli-tirka Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaarada ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan kuwa goobaha dakhliga, kuwaasoo ay hadda ku sugan yihiin hawl-wadeeno u badan deegaan qudha iyo qodobka labaad oo ah Cashuur dhaaf Wasiirkii hore ee Maaliyadu u sameeyey Shirkado gaar ah, kuwaasoo qalabka iyo agabka Dekedda uga soo dega Cashuur la'aan kula soo baxa, halka dhigooda ay adeega isku mid ka ah bulshada u hayaan laga qaado Cashuur aad u badan, waxana ka mid ah Shirkadaha Cashuur dhaafka loo sameeyey Shirkadaha Laydhka ee HAVOYOCO, Indho-birta, Aadan Siiro iyo Ganacsade Aadan Baradho.

Masalada Saddexaad ee ka mid ah furdaamooyinka laga sugayo Wasiirka Maaliyada, ayaa ah Cadaalad-falka Shaqaalaha Wasaarada ee Duruufo Caafimaad lasoo dersaan, arrintaas oo intii Wasiirkii hore xilka hayey saluug badani ka dhashay ka dib markii ay dhacday in Shaqaale Ruug Cadaa ah oo qaarkood in ka badan 50 Sanno kasoo shaqeynayey hawlaha Kastamada ay Daryeel la'aan Caafimaad u dhintaan, halka hawl-wadeeno cusub oo muddo yar shaqeeynayey lacag ku dhaw $40000 (Afartan Kun) arrimaad loo siiyey, Sida Khadar Indho-leeb oo loo diray dalka, waxa kale oo iyana jira Rag kale iyana arrimo Caafimaad ku qaatay lacago gaadhaya Toban toban Kun oo Dollar.

Waxa kale oo intaas dheer, kana mid dhitooyinka Samaale dhaxlay mulaaq iyo is-dhex-yaac maamul oo Qanjaha jooga Wasaarada Maaliyadda, kaasoo hadaan Wasiirka cusub si deg-deg ah u maareyn iska daa wuxuu maamule xataa uu ku adkaan doono inuu ku guuleysto hagista iyo habsami u maamulka hawlaha Wasaarada, maadaama Wasaaradda Maaliyadu ay tahay hay'ad dakhli ururineed isla markaana ay si dhib yar markiiba isu fahmaan Shaqaalaha meel la geeyaa.

Haddaba, inkastoo Wasiir Samaale aanu gaadhi wakhti lagu qiimeeyo wax qabadkiisa iyo garsoorkiisa maamul, hadana waxa wararku sheegayaan in Wasiirku kulamo qarsoodiya la yeeshay kooxo Ganacsato ah oo u badan beesha uu dhalasho ahaan kasoo jeedo, kuwaasoo sida wararku xuseen u soo jeediyey Wasiirka in aanu ku deg-degin wax-ka-bedelka Shaqaalaha goobaha dakhliga ee Wasaarada.



Yool


No comments: