20 April, 2012

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dalka Keentay Idaacad Dunidoo Dhan Laga Dhegaysan Karo

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dalka Keentay Idaacad Dunidoo Dhan Laga Dhegaysan Karo

Written by: Xasan Keefkeef

“Idaacaddan cusub oo ah tii ugu weynayd ee muddo 21 sannadood ah JSL Yeelato Ayaa 4tii cisho ee u dambeeyey taallay dekedda Berbera, Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la keeno Caasimadda.”

Berbera (Togaherer)- Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ku guulaysatay inay dalka keento idaacad weyn oo laga dhegaysan karo waddanka gudihiisa iyo guud ahaan dalalka mandaqadda Geeska Afrika oo dhan, taas oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay taal dekedda magaalada Berbera.

Sida uu Daabacay Wargeyska Jamhuuriya Idaacadda cusub oo ah tii ugu weynayd ee muddo 21 sannadood ah Jamhuuriyadda Somaliland yeelato oo ay dalka u soo iibisay Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana saddexdii casho ee u dambeeyey taallay dekedda Berbera, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la keeno caasimadda Hargeysa, iyadoo lagu rakibi doono dhisme hore loogu sii diyaariyey oo ku yaal gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Keenista idaacaddan cusub oo la rajaynayo inay wax weyn ka tari doono baahidii qaranka Somaliland u qabay helista idaacad dhegaysigeedu waddanka oo dhan wada gaadho, waxana hore u ballanqaaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu xilka la wareegay laba sanno ka hor, waxaanay tallaabadani guul taariikhi ah u noqonaysaa xukuumadda xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta.

Idaacaddan ayaa marka la rakibo lagu wadaa inay wada gaadho guud ahaan gobollada Somaliland iyo waliba dalalka jaarka sida Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaliya, waxaanay fursad weyn u noqon doontaa shacabka ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka caasimadda Hargeysa oo aan weligood maqlin idaacad qaranku leeyahay oo ay dhegaystaan muddo 21 sannadood ah oo ay Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaani haysatay.


Warqabadka Togaherer

Hargeysa, Somaliland

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: