21 April, 2012

Ururkaygu wuu guulaysatey balse cadaalada Somaliland baa guuldaraysatey

Ururkaygu wuu guulaysatey balse cadaalada Somaliland baa guuldaraysatey


Gudoomiyaha urur siyaasadeedka la reebay ee GURMAD Nuur Faarax oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay inaanu isaga iyo ururkiisuba ku qanacsanyn natiijada gacanku rimiska ah ee gudiga diiwaangelinta ururada siyaasada Somaliland soo bandhigeen shalay kuna sheegeen inay hadheen sagaal urur oo GURMAD ka mid tahay.

Gudoomiyaha uruka Gurmad Nuur Faarax wuxuu sheegay in ururada tartamaya laga rabay inay buuxiyaan shuruud cadcad oo sida cadceeda u muuqda oo xeerka diiwaangelinta ururada siyaasada ku cad.Nuur Faarax wuxuu intaas ku daray in ururkiisu shuruudahaas midmid u xaqiijiyey, shardi kastana sidiisa u fuliyay, wuxuu kaloo intaas raaciyey inay GURMAD ahaan hayaan cadaymo ku filan inay buuxiyeen ama fuliyeen shardi kasta oo gudiga diiwaangelintu ka rabeen, wax kaloo lagu murmaana aaney meesha oolin.

Gudoomiyaha GURMAD Nuur Faarax wuxuu sheegay in aaney shuruudaha diiwaangelinta ururadu ahayn mid wax lagu kala shubto ama mid wax lagu kala boobo taas daradeed aanay GURMAD aqbalayn natiijadiii gudidu ku sheegeen in GURMAD hadhay.Gudoomiye Nuur Faarax wuxuu intaas ku daray in go'aanka gudiga diiwaangelintu yeedhiyeen aanu ahayn mid ku dhacay garsoor ee uu yahay xeer jajab ama qaraar siyaasadeed oo ah kana hala reebo kaasna hala soo daayo!.

Gudoomiye Nuur Faarax wuxuu sheegay in ururkiisa iyo taageerayaashiibu guul la tabaan karo ka soo hoyeen shuruudihii laga rabay balse natiijada soo baxday tahay mid la farafareeyay oo la beeleeyay wuxuuna intaas ku daray in ururkiisa gurmad guulaystey balse cadaalada somaliland baa guuldaraysatey.

ugu danbeyn Gudoomiyaha ururka GURMAD Nuur Faarax wuxuu hadlakiisa ku soo afmeeray "Aniga nin yidhi iska hadh aqbali maayo ", sidoo kale ayuu ka dalbadey gudiga diiwaangelinta inay badka soo dhigaan sabab cad oo uu ku qanco iyo sida ururka GURMAD ku hadhey iyo daliilahay u adeegsadeen.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: