Urur siyaasadeedka Horyaal oo shacbiga ugu baaqay wadajir in lagaga gudbo Marxaladahataagan, Shirweynahoodiina 14 ka bisha Asteeyay
Hargeysa(Waaheen)-Urur Siyaasadeedka Horyaal ayaa manta Shir jaraaíd oo ay Hargeysa ku qabteen kaga waramay arrimo door ah oo ay ugu waaweynaayeen sidii looga bixi lahaa Maraaxilka Siyaasadeed ee Somaliland horyaa, Shirweynahoodii oo ay ku dhawaaqeen 14 ka bishan inay qabsanayaan, iyo Mahadnaq iyo Taageero ay u jeedinayeen Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Taageeryaashoodii Gobolada wakhtigii 1000 qof ee Madax taabashada ahaa.
Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Horyaal Mustafe C/laahi Jaamac, oo Shirka jaraaíd qabtay ayaa ka waramay Doorka Guddida iyo Urur ahaan waxay ka qabaan waxaanu yidhi “ anagu Urur ahaan waanu taageersanahay ilaa hada sida ay shaqada u wadaan Guddida Diiwaangelinta Ururada siyaasadda, Urur ahaana hawshaas si fiican ayaanu uga soo baxnay wajigeedii hore, talooyinka aanu siinana way qaataan” ayuu yidhi
“ Urur Siyaasadeedka Horyaal markasta xaaladaha jira si degan ayuu u waajahaa, waxaanu aragnaa inay Qaran ahaan ina horyaalaan maraaxil Siyaasadeed oo kala duwan oo inagu soo waajahan, waxaanu soo jeedinaynaa siday Somaliland ku soo caano maashay in wadahadal, wadatashi iyo aragti midaysan laga yeesho arrimahaasi” ayuu raaciyay
Mustafe C/laahi Jaamac Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horyaal waxa kale oo uu ka hadlay Shirweyanaha Ururka “ sidaad la socotaan marxalada Urur siyaasadeedyadu waxay ahayd ku-meel gaadh, waxa lagu xidhay Shirweynayaal inay qabsadaan si uu uga soo baxo Nidaam Rasmi ah oo Ururada Hogaamiyaa. Urur Siyaasadeedka Horyaal waxa uu qorsheeyay Shirweynihiisa inuu qabsado 14 ka bishan April oo ku beegan Sabtida. Waxaanu shirweynuhu ka dhici doonaa Ambassador Hotel” ayuu ku soo gabagabeeyay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horyaal
Waaheen
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment