18 April, 2012

Su’aalaha Sharci Ee Horyaala Guddida Diiwaangalinta, Saami Qaybsiga Ururada Siyaasadu Hogaanada Ay Doorteen Iyo Natiijada Ururada Ka Soo Baxay Oo Lagu Dhawaaqi Doono Todobaadkan


Su’aalaha Sharci Ee Horyaala Guddida Diiwaangalinta, Saami Qaybsiga Ururada Siyaasadu Hogaanada Ay Doorteen Iyo Natiijada Ururada Ka Soo Baxay Oo Lagu Dhawaaqi Doono Todobaadkan
Waxa Jira Su’aalo Badan La Iska Waydiinayaa Habka Ay Ururadu U Doorteen Hogaaminka Oo Intooda Badani Ay Gudoomiye Ku Xigeenadooda 1aad U Doorteen Xubno Ka Soo Jeeda Awdal
Hargeysa, April 15, 2012 (Haatuf) - Guddiga diiwaangalinta ururada iyo kala reebista Axsaabta Somaliland oo 20-ka bishan April ku dhawaaqi doona natiijada ka soo baxday shuruudihii lagu qiimaynayay 15-ka urur siyaasadeed ee lagu dhawaaqay, oo shuruudii ugu danbaysay ee Xeerka Axsaabta, Xeer Lr 14/2011 dhigayay ee qabsashada shirwaynayaasha lagu dhisayo hogaanada Axsaabtu ay doraad ku eegayd.
Gudoomiyaha guddiga diiwaangalinta ururada C/risaaq Jaamac Cumar (Ciyaale) ayaa dabayaaqadii bishii hore ee March 2012-ka si rasmiya u cadeeyay in shirwaynaasha ururada iyo golayasha dhexe ee xisbiyadu ay ku eeg yihiin 15-ka April, isla markaana natiijada ururada ku soo baxay qiimayntii ay ku sameeyeen iyo kuwa ku hadhay shuruudihii laga doonayay ay ku dhawaaqi doonaan 20 April 2012.
Inkasta oo aan si rasmiya loo ogayn ururada ku soo gudbay shuruudihii laga doonayay iyo kuwa ka hadhi doona ka qaybgalka doorashada golayaasha deegaanka, hadana waxa jira ururo loo saadaalinayo inay si rasmiya u buuxiyeen shuruudihii laga doonayay oo la filayo in go’aanka kama dambaysta ah ee guddiga ah ee guddiga diiwaangalintu ku dhawaaqi doonto ay ka dhursugayaan, hase yeeshee waxa jira su’aalo sharciyeed iyo kuwo maamul oo shacbigu ay wax iska waydiinayaan, kuwaas oo la xidhiidha habka ay ururadu u doorteen xubnahooda hogaaminta oo intooda badani ay gudoomiye ku xigeenadooda kowaad u doorteen xubno ka soo jeeda gobolka Awdal, marka laga reebo ururka Xaqsoor oo isagu gudoomiye ku xigeenka kowaad iyo musharaxa jagada Madaxweyne ku xigeenka u doortay Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo isagu ka soo jeeda gobolka Sool, isla markaana lagu tilmaamo siyaasi miisaan wayn ku leh gobolka Sool iyo bulshada reer Somaliland-ba ayaa waxa uu yahay siyaasiga kaliya ee isagu maqaamka ugu sareeya ka helay Axsaabta siyaasada dalka ee lagu dhawaaqay.
 Waxa kale oo su’aalo layska waydiinayaa sharciyada xubnaha ka tirsan shaqaalaha dawlada ee ka mid noqday qaar kamid ah hogaanada sare ee ururada siyaasada sida xoghayaha golaha guurtida C/llaahi Ibraahim Habane oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka ururka Nasiye, kaas oo xeerka Axsaabta xeer lr 14 ee doorashada golayaasha deegaanada iyo Madaxtooyada xeer lr 20/2001 ay mabnuucayaan in shaqaalaha dawladu ay u ololeeyaan Axsaabta, isla markaana ay mansabyo ka qabtaan iyagoo aan iska casilin  shaqadii hore ee dawlada, lamana oga go’aanka ay guddiga diiwaangalintu qaadan doonaan.
Sidoo kale waxa iyagana su’aalo layska waydiinayaa midowga dhex maray ururada Nuur iyo Jamhuuriga oo muddadii hawsha qiimaynta ururadu socotay laba urur kala ahaa sida loo kala qiimayn doono Madax ka tiriskii kunka qof ee gobollada ay ka kala heleen in lasykugu dari doono iyo in mid walba tiradoodii uu helay loo xisaabin doono, arrimahasina waa kuwo laga dhursugayo in guddiga diiwaangalinta ururadu ay faahfaahin ka bixiso.
Dhanka kale xisbiga Udub oo laba garab ugu kala jabay shirkii ay ku doorteen musharaxa Madaxweynaha, isla markaana ilaa hada aan qabsanin shirwayne gole dhexe oo ay ku doorteen hogaanka sare ee xisbigooda, ayaan ilaa hada la ogayn go’aanka ay Udub ka qaadan doonaan mustaqbalkiisa xisbi guddiga diiwaangalintu, oo iyagu hore u cadeeyay xisbiga aan shirwaynihiisa golaha dhexe qabsanin inuu saaxada tartanka ka bixi doono. 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: