Ciidamada Booliska Oo Gacanta ku dhigay Hub Gaadhi Dameer lagu soo Galiyay Hargeysa
Masuliyiinta Ciidamada Booliska oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino Noocyada hubkan
Hargeysa (GNS)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shalay Gacanta ku dhigay Nooc ka mid ah Hubka ama Qoryaha Fudud oo Gaadhi Dameer lagu siday oo kaasi oo laga Qabtay goob ku Dhaw istaanka Basaska Galbeedka hargeisa ee Xaafada Idaacada.
Masuliyiinta Ciidamada Booliska oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino Noocyada hubkan ay gacanta ku dhigeen ayaa ka gaabsaday in ay Wax tafaasiil ah ka Bixiyaan hubkan oo la Qabtay Shalay subax Abbaaro 11:00 AM
Hubkan la qabtay ayaa waxa si wad jira u qabtay dadka ku ganacsada suuqa weyn ee loo yaqaano xisbiga oo ku yaala degmada 26 june iyo ciidamad booliska saldhiga daloodho ee isla degmada 26 june, hubkan la qabtay ayaa sida ay sheegeen dadkii ku sugnaa madashaasi waxa sidatay haweenay duq ah
Hogaanka ciidamada booliska somaliland oo ay saxaafadu isku deyde inay waxa tafaasiila ka bixiyaan ayaa ka gaabsaday iyaga oo saxaafadana u diiday inay wax sawiro ama muuqaala ah ka qaadaan arintan hogaanka sare,ee ciidamada somaliland ayaan looga baran inay ka aamusaan arimaha noocana balse Bulshada loo soo Bandhgi jiray Waxyaabaha lidiga ku aha Nabad galayda ee la Qabto
Gabiley News Desk
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment