30 April, 2012

Somaliland:Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta oo Go’aan ka soo Saaray Go’aan Dacwad Qoraana oo uu u Gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB

Somaliland:Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta oo Go'aan ka soo Saaray Go'aan Dacwad Qoraana oo uu u Gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB



Hargeysa (somalilandfuture)- Guddida Diiwaangelinta Ururrada-siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta, ayaa go'aan ka soo saaray dacwad qoraal ah oo uu u gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, iyaga oo go'aankan sidoo kale ku laalay shuruudo iyo dokumantiyo ka mid ah shuruudihii xisbiga looga baahnaa oo uu Axmed Yuusuf Yaasiin guddbiyey guddida.
Go'aankan oo ay ku saxeexnaayeen toddobada xubnood ee Guddida Diiwaangelintu, isla markaana ay qaybiyiin ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga UDUB, ayaa isaga oo dhammaystiran waxa uu u dhignaa sidan; "Guddida Diiwaangelinta Ururrada-siyaasadda iyo Ansixinta Qaranka
Markay aragtay: Xeer NO: 14/2011 qodobkiisa 29aad ee lifaaqa xisbiga UDUB ee ku taariikhaysan 14/04/2012.
Markay aragtay: dacwadii uu soo gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB ee ku taariikhaysnayd 15/04/2012.
Markay aragtay: xeerka xisbiga UDUB ee lagu ansixyey shirweynihii labaad ee xisbiga UDUB 27/01/2009.
Markay deristay: hababka loo soo xulay golaha dhexe iyo guddida fulinta ee loo soo gudbiyey Guddida Diiwaangelinta.
Markay aragtay: wax ka beddelka xeerka xisbiga ee qaybada ah 29/11/2011.
Waxay soo saartay go'aamadan
1. Guddoomiye-ku-xigeenku wax awood ah uma lahayn inuu guddida u soo gudbiyo wax documantiya, iyadoo uu guddoomiyuhu joogo, haddaannu u igman guddoomiyuhu wuxuu su soo gudbinayaa ma laha wax ka soo qaad qaanuuniya, marka laga reebo wixii dacwad rasmi ah, eeg qodob 16aad faq 2aad ee xeerka xisbiga UDUB.
2. Golaha dhexe ee xisbiga UDUB waa (161), fulintuna waa 19 xubnood sidaa ku cad qod. 13 faq 1aad ee xeerka xisbiga UDUB.
3. Wax-ka-beddelka xeerka xisbiga UDUB waxa soo jeediya guddida fulinta amma golaha dhexe ee xisbiga UDUB, waxaana ansixiya shirweynaha xisbiga UDUB, sida ku cad qodobka 23aad faq 1-2aad iyo 3aad.
4. Golaha dhexe ee tiradiisu tahay 351 iyo guddida fulinta ee tiradeedu tahay 43 iyo 55 waa wax-ka-beddel xeer sida ku cad wax-ka-beddelka xeerka xisbiga UDUB, qodobkiisa 17aad.
Qodobada aan soo sheegnay awgood
a. Golaha dhexe ee xisbiga UDUB waa 161
b. Guddida fulinta ee xisbigu UDUB waa 19.
c. Xubnaha golaha dhexe iyo guddida fulinta ee tiradoodu tahay 161 iyo 19 waxa hadda ka jira afartii xubnood ee lagu doortay shirweynihii 2aad xisbiga UDUB, kuwaas oo kala ahaa Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeen, Xoghaye iyo Xoghaye-ku-xigeenka.
d. Golaha dhexe iyo guddida fulina ee loo soo gudbiyey Guddida Diiwaangelinta ee tiradoodu tahay 351 iyo 43-55 waa waxba kama jiraan, maadaama aanay waafaqsanayn xeerka xisbiga UDUB.
e. Haddaba, waa inuu xisbigu soo samaysto golihii dhexe iyo guddidii fulinta si deg degana ugu soo gudbiyo Guddida Diiwaangelinta.
f. Markay dhammaystaana in ay guddida u soo gudbiyaan 14 cisho gudahood," ayaa lagu soo gebagebeeyey 




No comments: