21 April, 2012

Sideed ka mid ah Sagaalkii Urur Siyaasadeed ee Gudida Diiwaangelintu Sheegeen In ay Hadheen oo Ku Baaqay Mudaharaado Socda muddo Saddex Maalmood ah Daadifeeyeyna Gudida Diiwaangelinta

Sideed ka mid ah Sagaalkii Urur Siyaasadeed ee Gudida Diiwaangelintu Sheegeen In ay Hadheen oo Ku Baaqay Mudaharaado Socda muddo Saddex Maalmood ah Daadifeeyeyna Gudida Diiwaangelinta

Hageysa/ToggaHerer 21 April 2012
Sideed ka mid ah Sagaalkii Urur Siyaasadeed ee Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadu sheegeen in ay Ku hadheen Wareegii kala Reebista 15 Urur Siyaasadeed ayaa manta Shi Jaraa`id ku Qabtay Hotel Crown Hargeysa.

Sagaalkan Urur Siyaasadeed ayaa isku raacay Iclaamiyayna in Mudaharaad Socon Doona Muddo Saddex Maalmood oo isku Xiga ay u soo Baxaan Tageerayaashoodu taas oo ay ku muujinayaan sida ay uga Soo Horjeedaan Go`aanka Gudida Diiwaangelintu ay soo saartay.

Sidoo Kale Sagaalka Urur Siyaasadeed aya aku Dhawaaqay in ay Diidan Yihiin kana Soo Horjeedaan Go`aanka Gudida Diiwaangelinta Gabigiisaba.

Gudoomiyayaasha Ururada Siyaasada Badbaado,UDHIS , Horyaal , Gurmad iyo NDB ayaa si kulul uga Soo Horjeestay Go`aanka Gudida kuna Tilmaamay Mid Cadaalada Ka Fog isla makaana Xaaran ah Sidoo kale waxay sheegeen in aanay Hayn Ragani Guddi isla markaana aanay ku kalsoonayn..

Ururada Hadlay Fariintana u diray Taageerayaashooda ayaa kala ah:- Udhis,Badbaado,NDB ,Gurmad , Jamhuuriga, Nuur, Damal, Horyaal.

Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
Somaliland



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: