21 April, 2012

Sheekh Maxamed Cali Geedi gudoomiyaha Badbaado oo sheegay inay kasoo horjeedaan in mudaaharaad la sameeyo , kuna taliyay in arrinta madaxweynaha loo daayo !

Sheekh Maxamed Cali Geedi gudoomiyaha Badbaado oo sheegay inay kasoo horjeedaan in mudaaharaad la sameeyo , kuna taliyay in arrinta madaxweynaha loo daayo !

Sheekh Maxamed Cali Geedi gudoomiyaha Badbaado oo sheegay inay kasoo horjeedaan in mudaaharaad la sameeyo , kuna taliyay in arrinta madaxweynaha loo daayo !



Shir jaraaiid oo u qabtay Sheekh maxamed cali geedi ayaa ku baaqaty inaan banaabaxyo la sanmeyn Ururkooduna aanu shaqo lu lahayn waxaanu sheegay dalka maaha in loo baabiyo siyaasad.

Inta Badan ururada siyaasada ee ku hadhay qiimayntii guddida diiwaangalinta ayaa maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa si guud u qaadacay go’aankii guddida diiwaangalinta, taageerayaashoodana ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan Mudaharaad muddo saddex maalmood ah soconaya.

Guddoomiyayaasha ururada siyaasada ee ku hadhay qiimayntii guddida diiwaangalinta ayaa si isku mid ah u cambaareeyay go’aankaasi oo ay ku sheegeen mid guddida soo saartay aanay u madax-banaanayn ee gacmo siyaasadeed soo galeen, iyagga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Guddoomiyayaasha Ururada, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA, NDP iyo kuwo kale ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan Mudaharaad salmi ah, kaasi oo ku muujin doonaan sida ay uga soo horjeedaan go’aankii guddida diiwaangalinta, iyagga oo sidoo kale tilmaamay inay xaq u leeyihiin inay sameeyaan Mudaharaad Salmi ah.

Ururada Mudaharaadka ku dhawaaqay oo ay ka maqan yihiin BADBAADO iyo HORYAAL ayaan sheegin wakhtiga Mudaharaadkaasi bilaabmayo, balse waxa ay tilmaameen inay ka xun yihiin go’aankaasi oo ay ku macneeyeen mid la gacmo-gacmeeyay.

Ururadan dhacay ayaa sidoo kale tilmaamay in ururada siyaasada ee soo baxay qaarkood ay ogaayeen inay dhaceen, balse dano siyaasadeed oo laga leeyahay daraadeed loo soo saaray.

Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ilaa hadda kama hadal go’aanka ay gaadheen ururada dhacay.

CALI yuusufhttp://samotalis.blogspot.com/

No comments: