23 April, 2012

Qaar Ka Mid Ah Garaadada Dhulbahante Ee Ka Qaybgalay Shirkii Taleex Oo La Sheegay Inay Ku Soo Jeedaan Hargeysa, Gaashaankana Ku Dhuftay Shirqoolada Kooxda Cali Khaliif Iyo Maamulka Faroole


Qaar Ka Mid Ah Garaadada Dhulbahante Ee Ka Qaybgalay Shirkii Taleex Oo La Sheegay Inay Ku Soo Jeedaan Hargeysa, Gaashaankana Ku Dhuftay Shirqoolada Kooxda Cali Khaliif Iyo Maamulka Faroole
Hargeysa, April 23, 2012 (Haatuf) - Qaar ka mid ah Garaadada beesha Dhulbahante ee shirkii Taleex kaga qaybgalay deegaankaasi ee kooxdii Cali Khaliif Galaydh uu horjoogaha u ahaa ku taageeray ayaa la sheegay in khilaaf weyn oo soo kala dhex galay Garaadada Dhulbahante ay ugu kala qaybsameen laba garab, kuwaas oo garab ka mid ahi ay go’aansadeen in dhinaca Somaliland ay usoo jandheedhsadeen, isla markaana ay nabada qaataan.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola garaadadaasi Taleex ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland iyo Garaadadii Dhulbahante ee ku shiray degmada Taleex ay isku khilaafeen colaadintii Somaliland, waxaana la sheegay in Garaado uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, oo ka mid ah Garaadada ku sugan Taleex ay ka hor yimaadeen hindisaha maamul goboleedka Puntland uu ku sheeganayo deegaanada Sool iyo Buhoodle ee Somaliland.
Wararka ka imanaya deegaanka Taleex waxay intaa ku dareen in Garaadada Dhulbahante aqalabiyadoodu ay qorshaynayaan sidii ay Somaliland xidhiidh wadahadal ula yeelan lahaayeen, iyagoo sidoo kalena ay ilo wareedyadu intaasi raaciyeen in Garaadada Dhulbahante ee Taleex ku sugan uu khilaaf culusi soo kala dhex galay iyaga iyo kooxda isku magacawday Khaatumo ee uu Cali Khaliif Galaydh wato ee colaada iyo dagaalada ka abuuray deegaanada Buhoodle iyo koonfurta Sool, ayaa la sheegay in Garaadada Dhulbahante ee ka biyo diiday sii wadista colaadaha ka aloosan Buuhoodle ay wakhtigan xaadirka ah qorshaynayaan sidii ay socdaal nabadeed ugu iman lahaayeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa.    

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: