Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii UDHIS Ee Wajigii Labaad Ee Kala Saarista Ururada Ku Hadhay Oo Burco Safar Ku Tagay Banaanbaxyo Balaadhana Ku Hanjabay.
"Maalinta bari ah waxaanu iskugu soo bixi doonaa mudaharaad, haddii ay Booliska Qoryo sitaana anagu...."Xoghayaha UDHIS
Burco (GNS)- Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegowayne) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar ku tagay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Weftigan oo degaanka Qoyta ay kaga Hortageen Gaadiid iyo Dadweyne aad u tiro badan ayaa dadkii ku soo dhoweyey deegankaasi uu halkaas kula hadlay Guddomiyuhu, wuxu sheegay in ujeedka Safarkiisan uu la xidhiidho dardar gelinta hawlaha ururkii la reebay ee UDHIS.
Urur Siyaasadeedyadii ay Guddida Diiwaangelintu hore ugu dhawaaqeen in ay hadheen ayaa iyaguna dhawr jeer iclaamiyey in ay mudaharaad qaban doonaan, balse uma ay suurto galin in ay mar kaliya mudaharaad balaadhan si rasmi isugu soo baxaan, waxaanu Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS sheegay in ay maalinta bari ah Gobolada dalka oo dhan ka dhigi doonaan mudaharaad balaadhan oo salmiya.
Weftiga uu hogaaminayey Gudomiyaha Urur siyaasadeedka UDHIS Mujaahid Dhegaweyne ayaa loo gelbiyey dhinaca Gudaha Magaalada Burco, iyadoo lagu soo wareejiyey Guud ahaanba jidadka waaweyn ee magaalada Burco, waxaanay waftigu markii dambe tageen xarunta dhexe ee Ururkoodu ku leeyahay magaalada Burco, iyada oo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen taageerayaal badan oo madashaasi ku sugnaa, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Urursiyaasadeedka UDHIS Siciid Xaji Axmed Qulunbe, Xildhibaan Maxed Faarax Qabille oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Badhasaabki hore ee Gobolka Togdheer Guleed Dahir Samatar, Oday Dayr Maxmed iyo Mujaahid Ibraahin Dhegawayne.
Xoghayaha Guud ee Urursiyaasadeedka UDHIS Siciid Xaji Axmed Qulunbe ayaa Dawladda ku tilmaamay mid cadaalad darro ku socota, isla markaana madaxdii iyo masuliyiintii Gobolka ku xushay hab qabiil oo qarankii Qabiil u bedeshay, isagoo ku eedeeyey inu dhinac ka wada dhigay, Taliyaha, Booliska, Taliyaha, CID da, Taliyaha Milleteriga, Madaxdii Maxkamadda Gobolka, Badhasaabka Gobolka, isagoo sheegay in lagu tuntay Caddaaladii iyo garsorkii,
Xoghayaha Guud ee Urursiyaasadeedka UDHIS Siciid Xaji Axmed Qulunbe wuxu ku hanjabay in maalinta berri ah ay mudaharaadi doonaan iyagoo dhar cad xidhan, cid kasta oo hor istaagta bannaanbaxoodaasna ay ugu jawaabayaan sida ay rabaan, isagoo gaadhsiiyey in haddii Boolisku ay cid xabbado ku ridaan ay iyaguba hub iyo rasaas haystaan isla markaasna Ridi karaan, lakin ay ku dadaalayaan haddii aan la soo faro gelin inay nabad gelyo ku mudaharaadaan.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ururada hadhay ee UDHIS ka mid tahay la keeno wax cadaynaya oo aan warqad uun la iskaga soo qorin, waxaana hadaladii xildhibaanka ka mid ahaa “Ururada ay maanta u taagan tahay Dacwaddu haddi la yidhi Waad Hadhay waa khad warqad lagu qoray oo aanay waxba ka jirin, Wixi Kadmay waxay saxmayaan iyadoo Xukunkii loo Gudbiyey Maxkamadda, Waxa Goobjoog ka noqonaya International Committee, waxa Dusha ka ilaalinaya Goobjoogayaal Caalamiya oo aqoontooda leh, lixda Gobolna waxa loo soo diray Guddi Xaqiiqo raadin ah”” Ayuu yidhi Xildhiban Qabille.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay maalinta bari ah qaban doonaan banaanbaxyo, waxaanu Madaxweyne Siillaanyo ku eedeeyey in uu meel kaga dhacay Dimuqraadiyadii Somaliland.
No comments:
Post a Comment