05 April, 2012

Ciidamadda Qaranka Somaliland oo Muslimiin Ajanabi ah oo ka soo baxsaday Dalka Jabuuti ku qabtay deegaanka Saylac


Ciidamadda Qaranka Somaliland oo Muslimiin Ajanabi ah oo ka soo baxsaday Dalka Jabuuti ku qabtay deegaanka Saylac

Afarta qof-ba waxay haystaan dhalasho Faransiis ah waxaanay ka soo talaabeen xuduuda iyadoo ay Ciidamadda Jabuuti Eryanayaan
Saylac(Waaheen) Ciidamada Qaranka Somaliland ee Guutada 60aad, Saldhigeeda 1aad, ayaa shalay Afar qof oo haysta dhalashada Faransiiska oo sadex rag yihiin midina Haweenay tahay ku qabtay Dooxa Bariisle kadib markay shalay galabnimadii ka soo talaabeen Xuduuda Lawyacado iyadoo ay Eryanayaan Ciidamadda Dalka Jabuuti.
Afartan qof ee ay Ciidamadda Qaranku qabteen oo sheegtay inay Muslim yihiin ayay laba ka mid ahi u kala dhasheen Dalka Poland iyo Maroko , halka labada kale ka yihii Sinigaaliyiin, ilaa hadana lama oga sababta rasmiga ah ee ay uga soo baxsadeen Dalka Jabuuti.
Saraakiisha Ciidamadda Qaranka, Booliiska iyo Maamulada Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolada Awdal iyo Salal oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan ayaa ka gaabsaday inay warbixin naga siiyaan hase yeeshee waxa ay sheegeen oo kaliya inay ka war sugayaan baadhitaan ay wadaan iyo Dawladda Jabuuti ee ay ka soo baxsadeen.
“ wax war ah idinma siin karno imika, waxaan idiin sheegayaa uun in ay xadka ka soo talaabeen afartan qof oo ay Ciidamaddu Jabuuti Eryanayaan Rasaas-na la dhacayaan. Waxaanu ka soo qabanay iyagoo firdhanaya Dooxa Bariisle oo gaadhigii ay wateen kaga xanibmay, wax tafaasiil ah oo intaa ka badan wali ma hayno. Intaanu arkaynay waxay u muuqdaan dad Muslim ah waanay Tukanayaan lab aka mid ahina waa Xaas is qaba oo labana Madow yihiin, labada kalena waa cadaan”ayuu yidhi mid ka mid ah saraakiisha oo aanu khadka Telefoonka kula hadalnay.
Dhinaca kalena wariyahayaga Saylac oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay afarta qof in xalay goor danbe la geeyay magaaladda Saylac isla markaana la dajiyay meel hudheel ah oo Amaankeeda aad loo adkeeyay, waxaanu sheegay in loo diiday inay booqdaan dadkaasi.
Wariyahu waxa uu intaa ku daray “ sida aanu wararka ku helayno abaara 2:00 Duhurnimo ayay iyaga oo wata gaadhi nooca Land-cruiserada ah oo qaali ah wata ka soo talaabeen Lawyacado, waxa Eryanayay Ciidamadda Jabuuti oo rasaas badan ku furayay hase yeeshee way jiidheen oo kantaroolka ayay dhinaca ka mareen. Markay Bariisle marayaan ayuu gaadhigii u socon waayay, waxaanay galeen dhinaca Buuraha” ayuu yidhi
“ Ciidamadda Qaranka oo ka war helay rasaasta ay Ciidamadda Jabuuti ku ridayeen markay soo talaabayeen ayaa heegan la galiyay, waxaana la baadi doonay gaadhigii soo talaabay abaara 5:00 galabnimo ayaa la soo qabtay afarta qof oo lugaynaya oo in badan ka socday gaadhigii ay wateen, waxaana caawa(Xalay) la noogu keenay Saylac” ayuu yidhi wariyuhu
Short URL: http://waaheen.com/?p=33627

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: