Budhcaddii Billicda
Waxay ahayd 29-kii February 2012 markii Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Caasimad oo ay garab siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Nabadgelyada ee Boolisku qaadeen hawl-galo ka dhan ah goobaha ganacsiga debadyaalka ee ku teedsan Jidadka waa-weyn ee Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale wajahada goobaha ganacsiga qaarkood.
Hawl-galkan oo ahaa mid ku bilaabmay si kedis ah, isla markaana aan laga bixin wacyigelin ku filan, ayaa inkastoo aanay jirin Daraasado ah rasmi ah oo lagu sameeyey tirada rasmi ah ee dadka goobahan laga raray, hadana sida lagu sheegay qiyaaso malo-waal ah oo laga sameeyey arrintan, waxa goobahaa laga barakiciyey Meherado ganacsi oo lagu qiyaasay ugu yaraan Toban Kun oo Meheradood, sidoo kalena ma jiraan qiyaaso rasmi ah oo laga sameeyey xaddiga dhaqaale ee ku burburay iyo weliba muwaadiniinta iyagu ku musalafey hawl-galkan.
Haddaba, inkastoo meheradaha debadyaalka ahi ay culays iyo fool xumo ku hayeen bilicda guud ee Caasimada iyo isu socodka Faras-Magaalaha, hadana sidoo kale waxay xaq u lahaayeen in Dawlada Hoose iyo Dawlada Dhexe ay iskaashigooda ku darsadaan qorshe lexe-jeclo ah oo ay ku dhawrayaan muwaadiniinta ay madaxda u yihiin, Sidaa awgeedna waxay ahayd in dadka loo sii sameeyo goobo cusub oo ay ganacsigooda la tagaan sidii dhacday 2001-dii ka dib Bacadlaha Suuqa Waaheen ku filaan waayey Ganacsatada yar-yar, waqtigaasoo masuuliyiintii Dawlada Hoose oo uu madax ka ahaa Md. Cawl Cilmi Cabdalle uu Ganacsatadii baaqiga ahayd ee ku qaday Saami-qaybsigii Suuqa Waayeen u sameeyey Suuqa Gobonimo, tallaabadaas oo noqotay mid bulshadu ku diirsatay una muujisay lexe-jeclada Dawladu u hayaan bulshada, maadaama ay yihiin ilaha Dawlada Hoose dhaqaaluhu uga soo xeroodo.
Sidoo kalena dadka meheradahaa ku ganacsan jiray oo ahaa kuwo aanay buurnayn hayntooda jeebku, una badnaa qoysas dan ley ah oo iyagu quutal-daruuriga maalin laha ah kala soo bixi jiray goobaha, ayaa marka dhinac kale laga eego waxa hawl-galkani ahaa mid lid ku ah Siyaasada Xukuumadda ee ku aadan la dagaalanta Shaqo la'aanta, maadaama Madaxweynaha talada hayaa Md, Siilaanyo uu hore bulshada ugu balan qaaday in haddii uu ku guuleysto hoggaaminta talada dalka uu xooga saari doono la dagaalanta shaqo la'aanta, si ay u kobocdo yididiilada dhalinyaradu, una yaraato tacabirka iyo tahriibku.
Dhinaca kale maaha markii ugu horeysay ee Masuuliyiintan Dawlada Hoose ee Caasimadu tallaabooyin tan la mid ah ka fuliyaan goobaha aynu kor ku soo sheegnay, hase-ahaatee, marar badan ayey hawl-galadan oo kale ay ka fuliyeen jidadka faras-magaalaha, kuwaasoo mar walba uu ku burburay dhaqaale iyo hanti badani, isla markaana ay Saaxada nolosha kaga dhaceen boqolaal qoys, hadana ma noqon kuwo soo af-jaray Fool-xumadii Magaalada, Sidaa awgeed muddo yar ka dib waxa goobihii laga raray degay ganacsato debadyaal ah, iyadoo waxa keliya ee hawl-galada laga dhaxli jiray ay ahayd shakhsiyaad cusub oo Sayladaha Ganacsiga soo gala, halka kuwii horena ay ku kacaan, maadaama aanu jeebkoodu u saamaxayn inay kasoo kabtaan dhaqaale gariirka soo wajahay.
Docda kale hawl-galadaa hore ayaa marka la isu miisaamo tiro badnidooda iyo tayo la'aantooda waxa Siyaasadaha Xukuumadaha Sarifaa ku tilmaami jireen inay ahaayeen kuwo aan markooda horeba ku fadhiyin Istaraajiyad cad, balse ku ekaa qiiro aan meelna gaadhsiisnayn.
Si kale haddii aynu u dhigno waxa isweydiin mudan muxuu hawlgalkani kaga duwan yahay kuwii hore, mase laga yaabaa sidii hore u dhacday in muddo yar ka dib ay wax weliba halkoodii hore kusoo noqdaan.? Haddii aynu ku hor marno isweydiinta kowaad waxa haboon in aynu laba dhinac arrimaha u kala qaadno, dhanka kowaad waa xawaaraha xadiga uu ku socday hawlgalku oo ahaa mid ay riixayeen dabaylo badda hoostooda soo maray, halka hawl-galadii hore ay ka ahaayeen kuwo u dhici jiray sidii qaab ujeeddooyin lahayn oo aan laaxin lagu ladhin.
La Soco Cadddadka Danbe ee Yool
No comments:
Post a Comment