08 April, 2012

Boqor Cismaan Buur Madow Awood buu U Xidhan yahay. Isma Qabanayso Gogol-nabadeed iyo Dagaal socdaa . Suldaan Daakir Xasan Khaliif. Waraysi Gaara


Boqor Cismaan Buur Madow Awood buu U Xidhan yahay. Isma Qabanayso Gogol-nabadeed iyo Dagaal socdaa . Suldaan Daakir Xasan Khaliif. Waraysi Gaara

Togaherer
Boqor Cismaan Buur Madow Awood buu U Xidhan yahay.
Isma Qabanayso Gogol-nabadeed iyo Dagaal socdaa .
Kootadii Waxaanu kala kulanay quudhsi nagaga yimi Madaxwaynaha.
Suldaan Daakir Xasan Khaliif. Waraysi Gaara .
Suldaan Daakir Xasan khaliif oo kamida madax dhaqameedka Somaliland ayaa sheegay in boqor buurmadaw u xidhan yahay awood isla markaana iska daa maxkamad la keenoo aan wali magaciisa xataa laga qorin waxaa kaloo uu sheegay inaanay is lahayn gogosha nabada ee madaxwaynuhu fidiyay iyo maalin walba xabada iyo dagaalka taagani,waxaa kaloo uu ka hadlay kooto laga siiyay beelaha gabooe golayaasha qaranka.waxaanu suldaanku sidaa ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyay Shabakadda caalamiga ah ee TogaHerer.com waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:-
S.Suldaan waxaa jiray dedaalo badan oo madax dhaqameedku u galay soo daynta boqor cismaan buur madaw arintaasi halkay ku dambaysay ?
J. Boqor Cismaan Buurmadaw wuxuu ku xidhan yahay jeelka wayn ee Hargaysa arintiisana madax dhaqameedka Somaliland iyo wax garad kaleba xukumada way sioka arkeen waxaanay ka dal badeen in Boqorka xoriyadiisa loosoo celiyo marhadii dalku dimuquraadi yayah oo qofka loo fasaxay ra,yigiisa inuu cabiro oo uu ka hadli karo isla markaana uu Boqorku ama Madaxwaynaha wax ha ka sheego ama xukumada wax ha ka sheegee wuxuu ku hadlay waa aragtidiisa sharciga dimuquraadiga ahina uma diidayo inuu fikirkiisa cabiro markaa waxaan imikana ku celinayaa in Boqorka xoriyadiisa loosoo celiyo waxaanan u aragnaa boqorku inuu awood u xidhan yahay oo aan lasii daynayn waxaa nalagu yidhi maxkamad ayaa la keenayaa iskadaa maxkamad la keenoo xataa wali Boqorka magiciisa lagama qorin taasina waxay kuu muujinaysaa inuu Boqorku u xidhan yahay awooda madaxwaynaha.
S. Waxaa jirtay in madax dhaqameedku arintiisa madaxwaynaha ugu tageen markaa sii dayntiisa miyaad kasoo aayo waydeen intuu xidhnaaye ma booqateen ?
J.Waxay noqotay jawaabtii ay Madaxwaynaha kala soo noqdeen Madax-dhaqameedku Maxkamadaa la keenayaa taasina ilaa imika may dhicin markaa waxaanu leenahay Boqorka waa in lasoo daayaa oo aan sharaftiisa lagu ciyaarin mar haduu yahay madax dhaqameed ummadd ka masuul ah oo karaamadiisa leh.waanu booqanaa marwalbana waanu u tagnaa imikana waxaa iigu dambaysay khamiistii doraad maantana waan u tagayaa.
S. Suldaan xaalada bariga somaliland oo aad in mudo ahba ka hadlayseen xalkeeda sidaad u aragtaa in lagu soo dabaali karo?
J.Horta waxaan is qabanayn in maalin walba nabad lagu dhawaaqo dhiigna uu daato dadka meesha degeni waa soomaaliland fikir kasta ha qabaane waxa ugu horeeya ee loo baahan yahayna waa inay dawladu dulqaadkeeda yeelato ilayn iyadaa u dawlada dadkeedee ta labaad waxaa loo baahan yahay in gogoshan nabada ee afka uun laga leeyahay ficil lagu daro oo laga hawl galo oo waliba madax dhaqameedka oo ay howshooda tahay loo daayo laakiin maalin walba maaha in dhiig daato inagoo og qiimaha qofka Muslimka ah dhiigiisu uu xaga ale ka taagan yahay .waliba waanu wada xidhiidhnay madax dhaqameedka xagaasna .
S.Laakiin madax-dhaqameedka Reer Sool ee dhanka kale taageersani waxay yidhaahdeen waxa lawada hadli karaa oo qudha marka ciidanka nalaga qaado ciidanka qarankuna wuxuu ku sugan yahay dalkiisii taa iyada ka waran?
J.Waa run oo sidaa way isku raacsanyihiin madax dhaqameedkooda iyo siyaasiyiintooduba laakiin waxay ku xidhan tahay in la wada hadlo oo madax dhaqameedka halkan joogaa tago oo uu yidhaahdo taasi waa qalad iyo waxaasi way suuroobayaan oo ay wada hadlaan madax dhaqameedku xukumaduna gogoshay fidisay arinteeda uga dambayso madax dhaqameedka laakiin hadal kaliya oo aan ficil lahayni Madaxwayne gogol noqon maayo ayaan leeyahay .
S.Waxaa jirtay Suldaan in golayaasha qaranka la idinka siiyay saami kooto ah taa sideed u aragtaa?
J.Horta kooto waxaa lasiiyaa dad aan mu waadiniin ahayn laakiin anagu waxaau nahay dad muwaadiniin ah laakiin waxaanu u qaadanay bulshadayada oo aan maanta aqoon ahaan iyo maaliyad ahaan aan is bixin karayn oo waxoogaa dadka ka dambaysa in kastoo ay imikaba sidii hore dhaanto laakiin arintii kootada markaanu aqbalay waxaa madax waynaha nagaga yimi wax aanu qaadan waynay oo ah quudhsi kii ugu waynaa waxaanu yidhi guurtidana hal kursi ayaa la idinka siinayaa wakiiladana hal kursi deegaankana min hal kursi taasina wax aanu qaadan karo maaha waxaa wax lala yaabo ah in dumarkana sideed kursi kooto loogu ogolaaday anaga oo ah beelo badana in la yidhaa hal kursi qaata taa macnaheedu waa ha isku dilaan.
Wariye Faysal Xiis Weeraar
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
Somaliland

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: