11 March, 2012

Yaa Dhacay Mucaawinadii loo keenay Dadka Saboolka ah ee Somaliland

Yaa  Dhacay Mucaawinadii loo keenay Dadka Saboolka ah ee Somaliland

Waxa shalay la qabtay laba gaadhi oo ay badhasaabka Hargeysa, Agaasimaha Dibu-dajinta iyo Xog-hayaha gaarka ah ee Madaxwayne ku xigeenka Leexsadeen


Waxa ka qayb qaatay Boobka Raashinkaasi Booliiska oo Gawaadhidii loo soo dhiibay si ay u Xareeyaan ku qariyay Guri u dhaw Saldhiga Ibraakim Koodbuur

Hargeysa(Waaheen) waxa shalay galinkii danbe lagu qabtay magaaladda Hargeysa laba gaadhi oo ka mid ah Raashinkii mucaawinada ahaa ee la dhacay ee la soo qabtay kaasoo ay mar labaad sii dhaceen Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Agaasimaha Guud ee Dibu-dajinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda oo uu ka mid yahay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Sidoo kale waxa gawaadhidaasi raashinka siday ee la dhacay ka qayb qaatay Ciidamo Booliis ah oo saarnaa iyo Ciidanka Saldhiga Ibraahim Koodbuur, kuwaasoo ka leexsaday gaadiidkaasi markii laga soo raray Bakhaar hore loogu qariyay oo markii afar cisho dadweynaha Xaafadda Idaacaddu gaadh ka hayeen laga soo qaaday.

Labadan gaadhi oo qayb ka ahaa Raashinka laga soo raray bakhaar idaacadda ku yaala oo lagu Leexsaday ayaa loogu talo galay in lagu xareeyo bakhaaro ku yaala wasaaradda Dibu-dajinta halkaas oo la dhigay dhawr baabuur oo ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen. Waxaana raashinkan laga dhigay mid loo wado dadka ku tabaalaysan waqooyiga kaasoo uu soo bixiyay madaxweyne ku-xigeenku amarkiisa. Balse markii danbe ay cadaatay in la dhaco.

Raashinkan oo ay qabashadiisa suurtogaliyeen dad shicib ahi waxa laga soo qabtay Guri u dhaw Saldhiga Ibraahim Koodbuur, halkaas oo ay ka soo qabteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland C/raxmaan Fooxle iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada oo ay wehelinayeen qaar ka tirsan Ciidanka Saldhiga Koodbuur.

Mulkiilaha Guriga leh oo ay Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Wasiirku weydiiyeen cida Gaadhiga keentay Gurigiisa ayaa sheegay in Badhasaabka Gobolka Hargeysa Xamarji uu u keenay saq dhexe isla markaana uu u dhiibay Qoraal cad oo uu ku saxeexan yahay, kaasoo ku dooday inaanu isagu waxba ka ogayn.

Hawlgalkaasi ayaa waxa kale oo lagu soo qabtay gaadhi kale oo isna siday Raashinkaas mucaawinada ah oo la kala Iibsanayay, waxaanu ka mid ahaa Gaadiidka loo soo dhiibay Badhasaabka iyo Booliiska ee dhexda laga Leexsaday.

Mucaawinadan ay xukuumaddu Leexsatay labada jeer ayaa la sheegayaa in uu keenay Nin Reer Somaliland ah oo ka soo jeeda bariga Burco isla markaana ay u hawl fududeeyeen Wasiirka Madaxtooyadda iyo Agaasimaha Samafalka Madaxtooyadda, kuwaasoo wasaaradda Maaliayadda uga sameeyay cashuur dhaaf.

Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland markii Mucaawinadaasi oo sida la sheegay ahayd Doon dhan waxba lagalam socodsiin, waxaana iskood u maamushay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo ninka ku magacaaban ee Deeqdaasi loo soo dhiibay.

http://waaheen.com/?p=31867

Waaheen

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: