Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} ayaa xalay u yeedhay wakiilka dowladda Itoobiya u jooga magaalada Hargeysa, kaas oo wax laga weydiiyey xasuuq uu sheegay in ciidamada Liyuu boolisku ay u geysteen
Ugu yaraan 30-ruux oo 8 ka mid ah ay yihiin ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan ciidamada loo yaqaano Liyuu Boolis, halka inta kale ay yihiin dad rayid ah, waxaana ay dadkani dhinteen ka
dib markii dagaal qadhaadh ay isaga horyimaadeen ciidamada Liyuu Boolis iyo dad xoolo dhaqato ah.
Xaaladda ayaa faraha ka baxday ka dib markii ciidamada Liyuu Boolisku ay tuulada Raqda ay ku dileen nin la oran jiray Farxaan Cali Goohe, ka dibna ay dadweyne cadhaysan iska horyimaadeen ciidamada Liyuu-ga,
halkaas oo ay ku dhinteen 18-ka mid ah iyo 9-ka mid ah askarta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee uu Madaxweynaha u yahay Cabdi Maxamed Cumar {Cabdi Iley}.
Dagaalka ayaa sii xoogeystay ka dib markii ciidamo gurmad ah oo badan ay soo gaadheen deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen, waxayna gubeen ilaa shan tuulo oo ka mid ah tuulooyinkii ay ku noolaayeen dadka xoolo dhaqatada ah, waxayna qabqabteen oo ay wateen dad ka badan 20-ruux oo ka mid ah dadweynihii ay iska horyimaadeen, kuwaas la sheegay inay la aadeen dhanka magaalada Jigjiga ee xarunta u ah maamulkaasi.
Odayaasha dhaqanka ee beelaha uu dagaalku dhexmaray ciidamada Liyuu Booliska loo yaqaano ayaa ku eedeeyay inay xasuuq ka geysteen deegaanadooda, waxayna ka dalbeen dowladda Itoobiya inay si deg deg ah wax uga qabto xiisadda colaadeed ee halkaasi ka taagan, isla markaasna ay ciidamo kala dhexdhigto dhinacyada dagaalamaya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} ayaa xalay u yeedhay wakiilka dowladda Itoobiya u jooga magaalada Hargeysa, kaas oo wax laga weydiiyey xasuuq uu sheegay in ciidamada Liyuu boolisku ay u geysteen dad xoolo dhaqato ah, isla markaasna uu arrinkaasi ashtakada ah u gudbiyo dowladdiisa.
abdirahman
No comments:
Post a Comment