“In Badan Ayaynu Maqalnay Jaamacad Laga Qalinjabiyay, Balse Maanta Waxaanu Dhamaysanay Tafsiirka Quraanka Kariimka Ah, Ilahayna Ha Ka Abaal Mariyo Macalinkayagii Sh.Dirir “ C/Fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)
Hargaysa (Togaherer) Xaflad lagu soo gabagabaynay tafsiirka quranka kariimka ah ayaa caawa lagu soo Khatimay masjidka Rusheeye, hadaba xafladan oo ahayd si mid heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Macalinkii/ Sheekhii waday tafsiirka quraanka kariimka ah, wasiirka diinta iyo aw qaafta, Sh.abdirahmaan ahmed, Sh.maxamed aadan, iyo culimo awdiinka magaalada hargaisa, sidoo kale waxaa goob joog ahaa ardaydii dhamaysatay tafsiirka quraanka kariimka ah iyo dad kale oo badan oo iyaguna ahaa dad ku xidhan masaajidka Rusheeye, hadaba ugu horayn waxaa xafladasi lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah,
Intaa ka bacdi waxaa lagudo galay xafladii oo ahayd mid si balaadhan loo soo agaasimay waxaana ugu horayn hadal kooban ka jeediyay Sh.abdirahmaan Axmed oo ka mid ahaa culimada lagu soo casuumay xaflada waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ barashada tafsiirka quraanka kariimku waxay muhiim u tahay qofkasta oo islaam ah, wuxuu sidoo kale sheekhu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay barashada quraanka kariimka iyo akhriskiisuba , sidoo kale wuxu sheekhu sheegay in qiimaha salaada la fahmo marka uu qofku fahmayo macnaha quraanka, sheekhu wuxuu aad ugu dheeraaday qofka barta diinta islaamka iyo qiimaha uu ilahay iyo dadkiisaba ka leeyahay, wuxuuna kula dardaarmay qofkasta inuu muhiimad dheeraada siiyo barashada diinta islaamka, ugu danbayntiina wuxuu Sheekhu dhiiri galiyay ardaydii dhamaystay barashada tafsiirka quraanka karimka, wuxuna u rajeeyay inay xil dheeraada iska saaraan”
Sidoo kale ayaa waxaa isna hadalo kooban ka yidhi Madasha Sh.Maxamed Aaadan oo isagu ka mid ah culimada waawayn ee magaalada hargaysa wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidan “ ilahay ayaa mahadleh isugu keen keenay halkan caawa iyo xafladan aadka u quruxda badan, waxaan mahad dheeraada u soo jeedinayaa ilahayna uga baryayaa inuu ka abaal mariyo, Sh.Maxmed Cumar Dirir oo isagu mudo badan soo waday dhigista tafsiirka quraanka kariimka ah, Sh.Maxamed wuxuu sheegay in barashada diinta islaamku ay tahay nolosha, isagoo qofka aan diinta wax ka aqoon ku sheegay inuu yahay qof aan nolol haysan, wuxuu kaloo sheegay in dadka juhalada ahi ay yihiin dadka aan diinta waxba ka aqoon, wuxuu sheegay in barashada cilmiga maadigu ay fiicantahay balse ay ka horayso barashada diinta islaamku, wuxuuna qofkasta oo muslim ah ku dhiiri galiyay inuu barto diinta islaamka, wuxuu xoog uga shekeeyay qiimaha uu ilahay agtiisa ka leeyahay qofka barta diinta islaamku.
Sidoo kale Sh.Maxamed Aadan ayaa sheegay inay arday sheekha badasha tababaraan kuwaasoo hore imtixaano ay uga soo qaadeen, imtixaankii ugu danbeeyayna ay galayaan taasi oo Sheekhu uu sheegay inay gudoonsiin doonaan shahaadadii barashada tafsiirka quraanka kariimka ah, ka dibna ay la wareegi doonaan iyagu inay baraan dadka tafsiirka quraanka kariimka ah, Sheekhu mar uu ka hadlayay wuxuu sheegay inay hada wadaan inay dabaqii afraad ku darayaan masaajidka wayn ee Cali Mataan, halkaas oo ay ugu talo galeen in arday badani wax ka baran doonaan oo si bilaasha loogu dhigi doono barashada diinta islaamka, masaajidaduna ay noqon doonaan goobka lagu baran doono Diinta Islaamka, sheekhuna ugu danbayn wuxuu u mahadnaqay ardayda dhamaysatay tafsiirka quraanka kariimka ah wuxu u rajeeyey cimri dherer iyo guul aakhirada iyo aduunkaba”
Iyadoo aanay fari ka qodnayn dadkii ka hadlay xafladaasi oo ay aad u tiro badnaayeen ayaa hal erey waxaa la siiyay C/salaam oo isagu ku hadlayay afka ardayda dhamaysatay tafsiirka quraanka kariimka ah ee sugaysa imtixaanka wuxuna hadalkiisa ku bilaabay “ Ilahay ayaa mahad leh, waxaan marka labaad u mahadnaqayaa macalinkayayga Sh.Maxamed Cumar Dirir oo isagu gacanta nagu soo hayay mudadaasi, wuxuuna C/salaam sheegay inay iyagu macalinkooda nasin doonaan hadii eebe ogolaado ”,sidoo kale waxaa xafladaasi ereyo kooban ka yidhi, Mulkiilaha Duubista Cajaladaha ee Al-Xusayni oo isagu tan iyo wakhtigii tafsiirka la bilaabay ahaa qofka kaliyaata ee xilka dheeraada iska saaray inuu duubo tafsiirka quranka kariimka ah, wuxuuna sheegay in ay ku dhawaad kumanaan qof ka faa’idaystaan duubistaasi sheegayna hada inay si casriya u soo duubi doonaan, iyadoo dadka xafladaasi ka hadlay ay tiro badnaayeen ayaa gabagabadii xaflada uu soo xidhay wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh.Khaliil oo isagu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ ilahay aya mahadleh,
Marka labaadna waxaan u mahadnaqaya Sh.Dirir oo isagu muhiimad dheerada iska saara inuu dadka intaasi leeg uu baro tafsiirka quraanka kariimka ah, Sheekhu isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, ardayda halkan ku kulantay waxay ka kooban yihiin dad kala mihnad duwan oo waxaa ku jira, Engineerkii, doctorkii, bankerkii, jaamiciyiintii iyo dad kala aqoon duwan, se markay masaajidka ilahay joogaan waa dad siman, oo barashadaa tafsiirka quraanka karimka ah way u sinaayeen, taasi waxay ina tusinaynaa qiimaha ay leedahay diinta islaamku iyo inaanu qofna qof waxba dheerayn xaga ilahay,sheekhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay ficil iyo camal suuban, wuxuna kula dardaarmay dadkii dhamaystay tafsiirka quraanka kariimka ah oo u badnaa dhalinyaro inuu wadanku iyaga sugayo oo ay iyagu u maqan yihiin sidaasi daradeed ay masuuliyad dheerada iska saaraan inay dadkaa soo jiidaan oo ay wacdi iyo waanaba kula noqdaan,”
Isku soo wada duuboo waxaa halkaasi ugu danbayn si caama loogu duceeyay umada muslimiinta meelkasta oo ay joogaan oo loo rajeeyay guul, sidoo kale waxaa xoog loogu duceeyay dadka buka, dadka daranyaysan iyo dadka dhibaatadu haysato guud ahaan, waxaana sidoo kale loo duceeyay dadka ku hawlan dacwada islaamka oo ugu horeeyo Sh.Dirir oo loo rajeeyay bashbash iyo barwaaqo, sidoo kale waxaa loo duceeyay dadki ku xidhnaa barashada tafsiirka quraanka karimka ah, iyo cid kasta oo jeclayd inay ka soo qaybgasho oo aanu wakhtigu u saamixin, waxaanay xafladaasi ku soo dhamaatay jawi aad iyo aad u quruxbadan oo qofkata oo goobtaasi joogay uu dareemayay farxad, dadkuna iyaga oo isku laab furan ayuu qofba qofka kale uducaynayay.
Warqabadka Togaherer
Masaajidka Ismaaciil Rusheeye
Hargaysa
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment