
Wasiirka Cusub Ee Maaliyadda Oo Durba Iska Casilay Xilkii Guddoomiye Ku Xigeenka Iyo Xubinimadii Golaha Wakiilada, Shir-guddoonkana U Gudbiyey Istiqaaladiisa
Hargeysa (Ramaas) Mar 14,2012 – Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland loo magacaabay maanta Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shir-guddoonka golaha wakiilada u gudbiyey qoraal uu iskaga casilay xubin-nimadii golaha wakiilada.
Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa qoraalkiisan ku sheegay inuu iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada iyo xubin-nimadii golaha wakiilada Somaliland, isaga oo sheegay inuu golaha ka rajeynayo inay ka aqbalaan.
Qoraalka Wasiirka cusub ee Maaliyadu shir-guddoonka u gudbiyey ayaa u dhignayd sidan “Aniga oo ah Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waxaan halkan ku caddeynayaa inaan maanta oo arbaca ah oo taariikhdu tahay 14.03.2012 iska casilay xilkii ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada JSL iyo xubinimaddii Golahaba, waxaan si weyn ugu mahad-naqayaa shr-guddoonka iyo dhammaan mudanayaasha golaha wakiilada JSL oo aanu muddo dheer wada shaqaynaynay, waxaan Golaha ka rajaynayaa inay aqbali doonaan iscasilaadayda.”
Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa ka bedelaya xilka wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo xilkan loo magaabay markii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegtay.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
No comments:
Post a Comment