14 March, 2012

War Deg Deg ah: Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo Goor dhawayd Doortay Maayar cusub.


War Deg Deg ah: Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo Goor dhawayd Doortay Maayar cusub.

Maayarka Cusub Axmed Muxumed Qaalib(Axmed Samir) .....

Gabiley (GNS)- Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ayaa Goordhawayd Maayar cusub u doortay Axmed Muxumed Qaalib(Axmed Samir) . 
Fadhigan maanta ee Golaha Deegaanka Gabiley oo ay ka soo Xaadireen 17 Mudane ayaa Waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Khadra X. Gaydh. 

Maayarka Cusub ayaa waxa u codeeyey 16 xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codeyn. 

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ayaa xasaanadii u soo celiyey Aadan Muxumed Badde oo hore u ahaan jiray Maayarka Gabiley, isla markaana maalin dhaweyd iska casilay xilkaasi ka dib markii Ay Hanti dhawr ku Fashilmay in la horgeeyo Maxkamad muddo sagaal bilood ah. 


Sacad M. Cabdi 

Gabiley News Writer.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: