14 March, 2012

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo oo Qaaday Talaabo Xil Ka qaadis , Magacabid ku sameeyey Xubno Ka mid ah Golihiisa Wasiirada

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo oo Qaaday Talaabo Xil Ka qaadis , Magacabid ku sameeyey Xubno Ka mid ah Golihiisa Wasiirada 



War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.


Madaxweynuhu:-


Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.


Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

Magac-yada Masuuliyiinta Cusub

Magacaabidda


Wasaaradda loo magacaabay
1 Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade

(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo magacaabayWasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Warfaafinta

4Cali Siciid Raygal

(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5Maxamuud Axmed Barre (Garaad)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub)
Waxa loo magacaabayWasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha
7Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)Waxa loo magacaabayWasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8Mawliid Maxamuud IbraahimWaxa loo magacaabayWasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10Maxamed Cumar CabdilaahiWaxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-


Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey

1 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda

2 Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3 Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

4 Dr. Axmed Xaashi Oday

Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka WasaaraddaWasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta

5 Cabdi Siciid FaahiyeWasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6 Warsame Siciid CabdiWasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda

7 Maxamed Yoonis CawaaleWasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda

8 Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)

9 Axmed Cali Xirsi (Sulub)Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.






http://samotalis.blogspot.com/

No comments: