15 March, 2012

ninka xildhibaanka ah ee Wakiillada amma Guurtida ku jira maaha inuu hungureeyo xukuumadda oo

ninka xildhibaanka ah ee Wakiillada amma Guurtida ku jira maaha inuu hungureeyo xukuumadda oo aanu noqon guul-wade, balse waa inuu noqdo nin isku arka inuu xukuumadda ka sareeyo oo uu u hadlaa ummaddii soo dooratay.” …” xildhbaan dheeg

Hargeysa - Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ugu baaqay xildhibaanadda Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay xilkii ummaddu u dooratay ka soo baxaan, isla markaana aanay hungurayn xilay ka qabtaan xukuumadda, isaga oo xusay in tallaabooyinka Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku magacaabayo xildhibaannada ay tahay mid saamaynaysa shaqaday golayaashu bulshada u hayaan.

Xildhibaan Dheeg oo shabka wararka ee somalilandfuture xarunta Barlamaanka dhexdeeda ku waydiisay sida uu u arko xildhibaannada golaha ee kolba mid ka mid ah xukuumaddu kolba xil u magacaabay iyo saamayntay ku yeelan doonto madaxbannaanida Golaha iyo sixitaankay xukuumadda sixi lahaayeen, waxaannu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya; “Markaan aragtidayda iyo dareenkayga ka hadlo, horta waxa distoori ah, haddii madaxweyne-ku-xigeenku dhinto amma is-casilo inuu Madaxweynuhu golaha kala baxo nin madaxweyne-ku-xigeen noqda, laakiin wasiirada kale ee golaha laga dhex magacaabaya waxay ula siman yihiin mutacallimiinta kale ee dalka ku shaqada leh, waxaana ka habboon in aqoonyahannada iyo macallimiinta ku shaqada dalka la magacaabo, laakiin arrintaasi iima muuqato.”

Xildhibaan Dheeg oo aannu waydiinay saamayntay ku yeelanayso madaxbannaanida golaha xildhibaannada laga magacabaayo, waxa uu yidhi; “Arrintaas golaha wax laga dhex magacaabayo wax ka soo qaadbay leedahay oo ninka xildhibaanka ah ee Wakiillada amma Guurtida ku jira maaha inuu hungureeyo xukuumadda oo aanu noqon guul-wade, balse waa inuu noqdo nin isku arka inuu xukuumadda ka sareeyo oo uu u hadlaa ummaddii soo dooratay.”
Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Muxumed (Siilaanyo), ayaa tan iyo intay xilka la wareegtay bilawday inay xildhibaannada Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada ay ka dhex magacawdo si ay xil wasiirnimo amma xilalka kale ee xukuumadda u qabtaan, taas oo si weyn u saamaysay Golaha Barlamaanka oo uu muuqda mid si weyn ugu milmay xukuumadda, isla markaana aan si cad uga hadli karin khaladaadka xukumaddu ay gasho.




http://somalilandfuture.com/ninka-xildhibaanka-ah-ee-wakiillada-amma-guurtida-ku-jira-maaha-inuu-hungureeyo-xukuumadda-oo-aanu-noqon-guul-wade-balse-waa-inuu-noqdo-nin-isku-arka-inuu-xukuumadda-ka-sareeyo-oo-uu-u-hadlaa-ummaddi/

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: