Mudaneyaasha Golaha Guurtida Oo Fadhigoodii maanta ku ansixiyey Sadex Xeer.
Hargeysa (GNS)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey Sadex xeer oo ay hore u soo ansixiyeen mudaneyaasha Golaha Wakiiladu. Fadhigan maanta ee mudaneyaasha golaha Guurtida oo ay ka soo xaadireen 45 xildhibaan ayaa waxa shir guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Furre.
Sadexda xeer ee ay Golaha guurtidu maanta ansixiyeen ayaa waxa ay kala yihiin Xeerka la dagaalanka Budhcad badeeda, Xeerka kala wareejinta maxaabiista iyo xeerka Nabadgelyada.
Xeerarkan ayaa markii Guurtida la hor keenay ayaa waxa ay u saareen guddiyo ka soo talo bixiya.
Guddiyada loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan ayaa sheegay in ay haboon tahay in Xeerarkan duuduub lagu ansixiyo iyada oo ay Golaha Guurtiduna sidaasi ku ansixiyeen.
Xeerka La dagaalanka Budhcadbadeeda ayaa waxa ogolaaday in la ansixiyo 39- Xildhibaan waxaana diiday ansixinta Xeerkaasi 2-Xildhibaan, waxaana ka aamusay 2 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codeyn.
Xeerka la dagaalanka Budhcad baddeeda ayaa waxa isna ogolaaday 43- Xildhibaan, waxaana diiday 1 xildhibaan, cidna kamay aamusin, Guddoomiyuhuna muu codeyn.
Xeerka Nabadgelyada waxa ogolaaday 42- Xildhibaan, waxaana diiday 2- Xildhibaan cid ka aamustayna may jirin Guddoomiyuhuna muu codeyn.
Si kastaba ha ahaatee Xeerarkan ayaa ahaa Xeerar uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) hore ugu soo gudbiyey Golaha Wakiilada kana codsaday in ay si deg deg ah u ansixiyaan, isaga oo ku sababeeyey in uu Dalka baahi deg deg ah u qabo, waxaanay Golaha Wakiiladu si deg deg ah u soo ansixiyeen Xeerarkaasi, iyaga oo Golaha Guurtiduna maanta ansixiyeen.
Sacad M. Cabdi
Gabiley News Reporter
Hargeysa/ Somaliland
No comments:
Post a Comment