Dadwayne Tiro badan oo ay Wehelinayaa Ehelada Qoysaska Masuuliyiinta ayaa saaka soo buux dhaafiyay Barxada
Hargeisa (GNS)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Maanta mar kale dib udhigtay Dhagaysiga Dacwadii seddexda Masuul ee lagu eedeeyay Musuqmaamuqa Mucaawanadii Masaakiinta, kuwaasi oo Xabsiga loo taxaabay Todobaadkii hore isla markaana Maxkamadu dib udhigtay dhagaysiga dacwadooda iyada oo todobada cisho oo rumaan ah udirtay.
Dadwayne Tiro badan oo ay Wehelinayaa Ehelada Qoysaska Masuuliyiinta ayaa saaka soo buux dhaafiyay Barxada hore ee Maxkamada si ay u goobjoog uga noqdaan Dhagaysiga Dawcawada lagu soo oogay Masuuliyiintan oo kala ahaa Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi jeex Axmed X.Cumar C/laahi (Xamarje), Agaasimihii hore ee Dib udejinta Axmed Cilmi Barre iyo La taliyihii hore ee Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac.
Madaxa xafiiska xeer ilaalinta gobolka Hargeysa Mr San-jeex oo dadwaynihii Maxkamada halkaasi kusoo ururay la hadlay ayaa sheegay in kiiska masuuliyiintan loo saaray guddi soo baadha xaqiiqada eedaymaha ay u xidhan yihiin ee xilkii ay qaranka u hayeena looga qaaday “adeer maanta iyo maalmaha soo socda midna lama keenayo ee iska kala tagga, kiiskooda guddi ayaa loo saaraye” ayuu yidhi.
Dib u dhigista Dacwada Masuuliyiinta ku Xidhan Xabsiga hargeysa ayaa keenaysa Dareeno kala duwan iyada oo Qaar ka mid ah Ehelada Masuuliyiintani sheegeen in Danbigan dusha laga saaray Masuuliyiinta balse ay jiraan Masuuliyiin ka xilal saraysa oo faraha kula jirtay arimahani.
C/raxmaan Muuse Yuusuf
Gabiley News Reporter
Hargeisa Somaliland
contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment