Magaalada Boorama oo Dad La Ciirciiraysa + Ururada Siyaasada ee Cusub oo Maalinta Berri ah laga Rabo mid Kasta Kun Ruux in uu la shir Yimaado+ Baaqaa Mayer ka Borama!!!
Magaalada Boorama oo Dad La Ciirciiraysa + Ururada Siyaasada ee Cusub oo Maalinta Berri ah laga Rabo mid Kasta Kun Ruux in uu la shir Yimaado+ Baaqaa Mayer ka Borama+ Dhaqdhaqaayada ay Wadaan Ururadu!!!
Borama/ToggaHerer 17 March 2012
Magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa Dadweyne la Ciiciiraysa iyada oo Gawaadhi Sameecado la saaray ay magaalada dhex Wareegayaan iyaga oo ugu Baaqaya Taageerayaasha Ururada Cusubi in ay Maalinta Berri ah ay isugu Yimaadaan Xafiisyadooda.
Maalinta Berri ayaa Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadu ay ka rabaan Urur Kasta in ay Keenaan Kun Qof oo sita Kaadhadhka Aqoonsiga ama Codaynta Jamhuuriyadda Somaliland xarumahooda.
Magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa Dadweyne la Ciiciiraysa iyada oo Gawaadhi Sameecado la saaray ay magaalada dhex Wareegayaan iyaga oo ugu Baaqaya Taageerayaasha Ururada Cusubi in ay Maalinta Berri ah ay isugu Yimaadaan Xafiisyadooda.
Maalinta Berri ayaa Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadu ay ka rabaan Urur Kasta in ay Keenaan Kun Qof oo sita Kaadhadhka Aqoonsiga ama Codaynta Jamhuuriyadda Somaliland xarumahooda.
Illaa iyo Hadda ayaa waxa Ugu Cad Cad Ururada Siyaasada ee abaabulkoodu muuqdo iyo wargelinta Taageerayaashoodu waa Ururada Wadani , UDHIS iyo Wadani halka Ururada kale laftoodu ay Wadaan Abaabulkoodu Muuqdana.
Dadweynahan Faraha Badan ee Ay la ciirciirayso magaaladu ayaa u eeg qaar Lagu soo daabulay Magaalada si Urur kastaa u helo Tirada lagu Xidhay ee ah Kun Ruux in uu la shir Yimaado.
Waxaan la garanayn Sida ay 15 Urur Siyaasadeed ee Cusubi ay u heli karaan maalinta Berri ah mid kastaa Kun ruux Iyada oo aanay Goobaha Waxbarashada ee Magaaladu aanay fasax ahayn .
Geesta kale waxa iyana Buuxa Dhamaan Hotelada la seexdo ee Magaalada oo ay Buux Dhaafiyeen Dadka Magaalada lagu soo Daadgureeyey ee laga Keenay Tuulayaasha iyo Degmooyinka Guud ahaan Gobolka Awdal Dadkaas oo ay Keeneen Masuuliyiinta Heer Gobol iyo heer Degmo ee Ururada Cusub.
Sidoo Kale waxa iyana Magaalada Ku sugan Masuuliyiin sarsare oo ka Tirsan Madaxada Ururada Cusub iyo Aasaasayaashii Ururadan iyada oo Urur kastaaba la dareemaayo Dhaqdhaqaayada uu wado iyo kala jiidashada Dhalinayarada iyo Taageerayaasha si uu u helo Tirada looga Baahan Yahay taas oo Kor u qaaday Xamaasada ay leedahay Arrintani.
Ugu Danbayntii Mar aanu Wax ka waydiinaya Mayerka Degmada Boorama Md Cabdiraxmaan Shide Bille Arrintan ayaa waxa uu ugu Baaqay Dadweynaha Reer Boorama in ay Nabadgelyada Ilaaliyaan lana shaqeeyaan Ciidamada Amaanka iskana ilaaliyaan wixii amaanka wax yeelaya Sidoo kalena ay Maalinta Berri ah Ruux kastaaba Isaga oo sita Kaadhkiisa si Nabadgelyo ah ku yimaado Xafiiska Ama Xarunta Ururka uu Taageersan Yahay…
Warqabadka ToggaHerer
Borama
Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Borama
Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
No comments:
Post a Comment