Hooyo 38 Jir Ah Oo Ilmo Ay Caloosha Ku Siday Ku Wayday Hawlgal Dawlad Hoose Ka Waday Xusbiga Markii Ay Kuftay, Sheegtayna HAATUF
Hargeysa, March 16, 2012 (Haatuf) – Safiya Muxumed Aadan oo da’deedu tahay 38 jir Xaamilo ahayd oo ku ganacsanaysay Meherad yar oo ay ku lahayd Ex Gurigii Xusbiga ee magaalada Hargeysa ayaa ku wayday Ilmo lix bilood ah oo ay caloosha ku siday, kadib markii Shantii subaxnimo ee doraad ay ku waabariisatay Cagafta Dawladda Hoose, taas oo burburisay Meherihii yaryaraa ee halkaasi ku yaalay iyo Aqalo ka samaysan Jiingado iyo Baybayo ay dad danyar ahi deganaayeen.
Hooyo Safiya Muxumed Aadan ayaa sheegtay inay kuftay xili ay Cagafta kala cararaysay Agab ay ka cabsi qabtay in laga burburiyo, waxaanay intaa ku dartay inay halkaasi ku wayday Ilmihii Caloosheeda ku jiray oo waxyeelo halkaasi ku soo gaadhay soona qubtay Ilmihii Caloosheeda ku jiray, waxaanay tilmaantay inay aad u dhiig baxday kadibna Cusbitaalka guud ee Hargeysa loola soo cararay si loola tacaalo caafimaadkeeda.
Wariye Ka Tirsan Wargeyska Haatuf oo Shalay Galab ku booqday Hooyo Safiya Muxumed Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo wax ka waydiiyey xaaladeeda guud ee Caafimaad iyo sidii wax u soo gaadheen ayaa tidhi “Shantii Subaxnimo ee shalay ayay cagafta Dawladda Hoose na soo gashay meheradihii yaryaraa ee Xisbiga ku yaalay, markaa aniga oo la cararaya Agabkii meherada oo is leh yaan lagaa burburin ayaan Kufay, uur lix bilood ah ayaan caloosha ku siday ilmihii wuu dhintay, waanan dhiig baxay, sidaasaana Cusbitaalka la igu soo dhigay”.
Xiliga Wariyuhu uu Hooyo Safiya ku booqday Cusbitaalka ayaanay goobtaasi ka muuqan wax Dhakhaatiir ah ama Kalkaaliyeyaal Caafimaad oo uu wax ka waydiiyo xaalada Caafimaad ee Haweenaydan.
Marwo Safiya Muxumed Aadan ayaa u soo jeedisay Xukuumada in Caruurteedii loo ilaaliyo inta ay Cusbitaalka ku jiro oo aan laga burburinin Aqalka, waxaanay tidhi “Waxaan xukuumada ka codsanayaa intaan dhakhtarkaa ku jiro in caruurtii la ii ilaaliyo oon laga burburin Aqalka”.
Hase Ahaatee Odayga Safiya oo xiligaasi la joogay oo magaciisa la yidhaa Cabdi Axmed Iidle, ayaa sheegay inay aad u dhiig baxday Haweenaydiisu una baahan tahay dhiig lagu shubo, oo dadkii dhiiga laga shubi lahaa ee aanu helay ay is noqon waayeen, isla markaana aanu helay hal qof oo ay isku dhiig yihiin, ilaa hadana aanu baadi doonayno cid ay isku dhiig yihiin in aanu helno.
No comments:
Post a Comment