12 March, 2012

Fadeexad Musuqmaasuq Oo Xabsiga Loogu Taxaabay, Xilalkana Lagaga Qaaday Badhasaabkii M/Jeex, Agaasimihii Dib U Dajinta Iyo La Taliyaha M/Ku Xigeenka


Fadeexad Musuqmaasuq Oo Xabsiga Loogu Taxaabay, Xilalkana Lagaga Qaaday Badhasaabkii M/Jeex, Agaasimihii Dib U Dajinta Iyo La Taliyaha M/Ku Xigeenka Oo Lagu Eedaynayo Inay Leexsadeen Raashin Danyar Loogu Talo Galay 
HAATUF
“Aniga Iyo Madaxwaynuhu Markaanu Tashanay Anaga Oo Ka Xun Raashin 
Masaakiin Loo Wado In Musuuliyiintaasi Ku Takhri Falaan Waxaanu Go’aansanay Inaanu Saddexdaas Masuul-Ba Xilka Laga Qaado” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland
 Hargeysa, March 11, 2012 (Haatuf) – Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xil ka qaadis iyo xadhig isku raaciyey Badhasaabkii Maroodi Jeex Axmed Cumar X. C/laahi (Xamarji), Agaasimihii guud ee Wasaaradda Dib-Udajinta  Axmed Cilmi Barre iyo La taliyaha Madaxweyne ku xigeenka Cismaan Siciid Jaamac, kuwaas oo la sheegay inay Musuq-Maasuqeen Raashin Mucaawino ahaa oo dawladda Cumaan ugu deeqday Dadka barakacayaasha ah ee Saboolka ah ee reer Somaliland.
Saddexda Masuul ee iyaga lagu eedeeyey inay faraha kula jireen eedo musuqmaasuq oo ku saabsan raashin mucaawimo ah oo la leexsaday ayaa hada ku xidhan Xarunta CID-da ee Magaaladda Hargeysa, isla markaana ay ku socdaan baadhis ku taxaluqda raashinaas la sheegay inay lunsadeen.
Masuuliyiintan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda maxkamad la soo taagi doono oo haddii uu ku cadaado Kiiskaasi Musuqmaasuq mutaysan doonta xadhig, balse hadii lagu waayo xoriyadooda loo soo celin doono sida sharciga ah.
Sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka hadlay sababta keentay xil ka qaadista iyo xadhiga Badhasaabkii M/Jeex, Agaasimihii guud ee Wasaaradda Dib-Udajinta iyo La taliyaha M/ Ku xigeenka Axmed Cumar X. C/laahi (Xamarji), Axmed Cilmi Barre  iyo Cismaan Siciid Jaamac, kaas oo sheegay inay leexsadeen Raashin Mucaawimo ahaa oo loogu talo galay dadka Saboolka ah ee reer Somaliland.
C/raxmaan Saylici waxa uu sheegay in Musuq-maasuqaas uu ku baraarujiyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada oo isagu warkaas helay, isla markaana uu isagu markii danbe Taliye ku xigeenka Bilayska C/raxmaan Fooxle uu amray inuu Xabsiga dhigo cidkasta oo baadhistu soo gasho, taasina ay keentay in saddexda masuul xabsiga la dhigo.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici waxa uu sidaas ku sheegay Shirjaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, kaas oo tafaasiil kaga bixiyey sababta dhabta ah ee keentay in xabsiga la dhigo saddex Masuul oo xilal ka haya Xukuumadda Xisbiga Kulmiye. Ugu horayna isaga oo ka hadlay dhacdadaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxaanu idiinku yeedhay inaanu halkan ka cadaynayo khaladaad ka dhacay deeq raashin ah oo rag reer Somaliland ahi ay ka keeneen Walaalaheena Carbeed gaar ahaan dalka Cumaan oo si khaldan loo maamulay markaa sida ay wax u dhaceen inaanu idiin sheegno ayaanu idiinku yeedhay.

Waxa jira rag reer Somaliland ah oo deeq raashin ah inooga soo qaaday Cumaan oo xafiiska Samo-falka Madaxtooyada u yimid, isla markaana aanu aad u soo dhawanay  sidii sharciga ahayd aanu u samaynay Cashuur dhaaf iyo nimankii Madaxda ahaa ee deeqda daba socday Fiisayaashoodii markii intaa la dhameeyey ayaa soo saaristii la soo saarayey raashinkii ayaan lala ogaanin oo dabcan way dhacdaa in mararka qaar cida deeqda wadaa ay tidhaahdo waxaanu raashinkan u sidnaa meel heblaayo iyo meel heblaayo, dawlad ahaan laakiin waxaanu xaq u leenahay inaanu ogaano meesha waxan loo sido haday gobolada tahay iyo haday meelo gaar ah tahayba. Markaa waxa aanu ku war helnay in maalin dhawayd xiliyadii Makhribkii la isku qabsaday Raashin la qaybinayey, isla markaana rasaas badani ka dhacday Dhalinta Kacaanka iyo Xaafada Maxamed Mooge ee deeqda lagu qaybinayey, markaas ayuu Wasiirka Arrimaha Guduhu tagay meesha oo Ciidamadii iyo Shacbigii isku qasan yihiin oo buuq badani ka taagan yahay markaa Wasiirkii ayaa amray in qaybintii la joojiyo oo raashinkiina la geeyo xarunta Taliska dhexe ee bilayska. Rag hawsha wax ka waday oo yidhi anagaa nidhi booba halkaas ayaa lagu qabtay”.

Madaxwayne ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Badhasaabka Maroodi Jeex Mr. Xamarji, Agaasimaha Dib u dajinta, Taliye xigeenka bilayska C/raxmaan Fooxle iyo la taliyahayga Cismaan Jaamac waxaan ku idhi waxa halkaas yaala ku soo wareejiya bakhaarka dawladda, waxa intaanay halkaa gaadhin ii yimid nin la yidhaahdo Dayr Maxamed Faarax oo ah ninka xafiisku Cashuur dhaafka u sameeyey ah, markuu ninkaasi ogaaday inaan raashinkii xanibay ayuu igu yidhi Madaxwayne Waxa meesha laguugu sheegay waa wax aan Lawdh gaadhin oo NGO-gu ugu talo galay in shaqaalihii hawsha waday looga dhigo kharash, waxaan ku idhi Dayrow waad mahadsan tahay oo wixii si khaldan ayey u baxeen oo aad oday wayn oo wax ii sheegay aad tahay hadii aan kaa daayo dambi baadhis inaan kuu diro waa in wixii dadka loogu talo galay ay la wareegto dawladdu oo la helo. Markaa doraad subaxdii ayaa lagu kalahay saddex baabuur ayaana laga soo heley markaa ayaan Wasiirka Dib udajinta amray inuu qoraal iigu soo gudbiyo raashinka halkaa loogu keenay inta Waxlood ee uu ka kooban yahay, markaa waa la igu soo noqday oo waxa la igu yidhi waxyar ayaa yaala oo aan Lawdh gaadhin, markaasaan ku idhi qoladii aan hawshaa u xil saaray maxaad u soo dhamayn waydeen hawshii waxay igu yidhaahdeen dumar ka mid ah xisbiga Kulmiye ayaa meeshii xidhay oo qufushay oo wax kale u qaatay. Waxaan ku idhi waxaasi ma soconayaane hawsha wada oo meesha waxa yaala ka soo dhamaystira, waxay yidhaahdeen waa buuq ee caawa ayaanu ka soo raraynaa wixii yaala, sidaasaanu habeen hore ku kala ambabaxnay oo waxaan ku idhi mar hadii Booliskii iyo Masuuliyiintiinii ay idin garab joogaan, markaa sidaa ayaan ugu xil saaray Masuuliyiintaas”.
“Markii aan sidaa ugu xil saaray ayaa waxa dhacday inay iyaga laftoodii ay khalad galeen oo xoolihii ummadda ee aan idhi Dawladda u soo xareeya ee hore loo qarsaday in hadana mar labaad aanu ku soo qabanay iyada oo guryo Shicib lagu qarsaday markii aanu sidaa habeen hore ku seexanay ayaa shalay waxa ii timid qaylo aan rumaysan waayey oo igu tidhi xoolihii ummadda ee Bakhaaradii lagu qarsaday laga soo raray ayaa hadana guryo shacbi lagu arkay, markaas ayaan canaantay ku simaha taliyaha bilayska oo aan ku idhi adiga iyo labadaas masuul ee kale ayaan arintaas u xilsaaraye siday wax u dhaceen, waxa uu ugu yidhi taliyihii Madaxwayne Badhasaabka, Agaasimaha iyo gacanyarahaaga ayaan hawsha kaga imid oo waxaan iskaga imid markii saddex baabuur la raray markaas oo askartiina la saaray oo meeshii loogu talo galay la geeyey ayaa iigu danbaysay”.

C/raxmaan Saylici mar uu ka hadlayey sida ay ku ogaadeen Musuqmaasuqaas, waxa uu yidhi “Aniga waxa ila soo hadlay oo dareenka ugu wayn i galiyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada oo Warbaahintu la soo hadashay oo ay ku yidhaahdeen waar wax khaldan ayaanu aragnay, markaas ayuu Taliyihiina ogaaday oo uu meeshii tagay, isla markii uu meeshii  tagay waxa uu ku gaadhay hal gaadhi oo kaliya, markaa waxa ii muuqatay in xoolihii ummadda loogu talay ee markii hore la musuqmaasuqay in mar labaad hadana la leexsaday oo wado khaldan loo maray, waxaan markaa amray Taliyii inuu talaabo dagdag ah qaado oo uu labadii gaadhi ee kalena uu raadiyo, waxa uu markaa helay labadii gaadhi, saacad iyo badh ka dib ayuu hadana ila soo hadlay oo iigu yidhi gaadhi kale ayaan helay oo Wasaaradda Dib u dajinta ayaan geeyey. Waxaan ku idhi raashinka iyo cida wadaba soo xaree si aynu u helno cida ka danbaysa, amar buuxa waxaanu aniga iyo Madaxaynuhuba ku siinay inuu hawshaa baadhitaan dhan uu ka sameeyo oo xataa tii hore ee odaygii aanu markii hore u xil qarinba, baadhitaankaas aad samaysona cida ay gasho looga aabo yeeli maayo, baadhitaanka hordhiciisii inay cadaato in Masuuliyiintii aanu wax u dhiibanay aanay halkii loogu talo galay geynin.
Markaanu tashanay aniga iyo Madaxwaynuhuba anaga oo ka xun in raashin Masaakiin loo wado in Masuuliyiintaasi qaataan oo ay ku takri falaanba waxaanu go’aansanay inaanu saddexdaas masuulba xilkii ka qaadnay, markii kii wax ku cadaadaan iyo kii ay ku cadaan waydo-ba Maxkadaha ayaa Cadayn doona”.
Dhinaca kale Warsaxaafadeedka lagaga lagaga qaaday Saddexdaa Masuul ee la sheegay inay faraha kula jireen Musuq-Maasuq oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey Haatuf, waxa uu u dhignaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.
1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)
2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed
Cilmi Barre
3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan
Siciid Jaamac,
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.
Waxa uu go’aansaday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul.
Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona
1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta”.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: