11 March, 2012

Budhcad Beri JABHADAY-san, Huwana SHAADH Xukuumadeed

Budhcad Beri JABHADAY-san, Huwana SHAADH Xukuumadeed

“..Raashinkani Waxa uu ka mid ahaa Caawimo Dalka la Keenay oo Mudoba Boobkeedu Socday..’’.

Hargeysa-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Shalay xilalkii ka xayuubiyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumaddiisa, kuwaasoo sida Madaxweyne-ku-Xigeenku sheegay ay ku kacay falal lagu tilmaami karo Budhcad-beriyeed Jabhadaysan, huwana Shaadh Xukuumadeed. Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed Shalay Gelinkii danbe kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada.

Masuuliyiintan shuftada noqda oo kala ah Badhasaabkii Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar X.Cabdillahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid, ayaa loo haystaa inay si badheedh ah u dhaceen Shixnado Raashin Mucaawino ah oo ahaa deeq loo waday dad danyar ah, isla markaana Shixnadahaa badhkood ku rogteen Bakhaaro halka kuwo kalena iyaga oo aan weli gaadiidkii laga rogin lagu dhex qabtay guryo gaar ah waxay ku xidhan yihiin Xarunta Dembi-baadhista (CID) ee Magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo Madaxweyne-ku-xigeenku carabka ku dhuftay hadal muujinaya in jireen falal hore oo sidan u dhacay, hase-yeeshee, faahfaahin intaa ka badan kama uu bixin, balse waxa uu sheegay masuuliyiintani in si dhakhso xubnahan sharciga loo horgeyn doono waxaanu intaa ku daray in go’aanka xadhiga eriga xubnaha shuftoobay uu ahaa mid ay wadajir uga tashadeen isaga Madaxweynuhu.

Iyada oo sidoo kalena wararka qaarkood sheegayaan inay jiraan masuuliyiin kale oo xubnaha falka kula jiray balse aan iyaga la qaban oo kuwaasoo xilal ka haya qaybo kala duwan oo ka mid ah hay’adaha Dawlada, sida Madaxtooyada, qaar ka mid ah hoggaanada Ciidamada iyo meelo kale waxana wararku intaa ku darayaan in baadhitaano la sameeyey qaarkood ay muujinayaan in sidan oo kale loo lunsaday Raashin iyo shixnado mucaawino ah oo Sanadkii aynu kasoo gudubnay dalka la keenay, hase-yeeshee, aan sidan oo kale waqtigaa u soo shaac bixin.

La taliyihii Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Siciid Cismaan Jaamac, kana mid ahaa xubnihii la sheegay inay leexsadeen shixnadihii mucaawinada ahaa oo aan isaga mar la xidhin masuuliyiin balse Xalay la qabtay, ayaa sida lagu shaaciyey qaar ka mid Shabakadaha Wararka, waxa uu sheegay in falkan lagu eedeeyey aanu ahayn mid iyaga ku kooban balse uu ahaa fal boobkiisu muddo socday oo ay qaybtooda ka qaateen, waxana hadaladiisa ka mid ahaa; “..Raashinkani waxa uu ka mid ahaa caawimo dalka la keenay oo mudoba boobkeedu socday..’’.

Dhacdadan foosha xun ee Shacbiga kaga timi Xukuumaddii ay aamineen masiirkooda, ayaa noqonaysa mid wis-wis iyo walaac ku abuuri doona yididiilada iyo rajadii ay ka qabeen hoggaanka dalka, taasoo sidoo kalena noqon karta tallaabo soo af-jarta dul-qaadka iyo samirkii bulshadani kusoo nabad iyo caano maashay. Iyadoo sidoo kalena doodaha qaarkood dhacdadan ku fasireen mid markhaati madoon u ah xulashada rakaab xumaanta Madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in arrintani noqon doonto laba midkood – mid Madaxweyn uhu inta uu qaato go’aan cashar u noqda Xubnaha kale ee Xukuumaddiisa iyo kan labaad oo ah in sidii marmar badan dhacday uu sahashado oo dad dano gaar ah lihina ka dhaadhiciyaan in Shacbigani yahay mid ilawshiiyo dhaw, taasina ay suul-daaro u noqoto Xukuumaddiisa.


Yool


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: