15 February, 2012

Dafcadii Ugu Horreysay Ee Xukuumada Somaliland Ee Ka Qayb-Galaysay Shirka London Oo Ka Gudbay Magaalada Tog-Wajaale Ee Xuduuda Somaliland Iyo Itoobiya

Dafcadii Ugu Horreysay Ee Xukuumada Somaliland Ee Ka Qayb-Galaysay Shirka London Oo Ka Gudbay Magaalada Tog-Wajaale Ee Xuduuda Somaliland Iyo Itoobiya

Waftigan ayaa waxa hor kacayey Wasiirka Warfaafinta, sidoo kalle waxa wehelinayey Muuse Biixi Cabdi, Axmed Yuusuf Yaasiin, Faysal Cali Waraabe, Xildhibaan Cabdi Waraabe, iyo…..
Gabiley(GNS)-Wafti ballaadhan oo ka socda Xukuumada Somaliland oo Iskugu jira Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole Sharci dajineed, iyo Hogaamiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran ayaa maanta(Shalay) u amba-baxay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska, Halkaas oo ay kaga qayb galayaan Shir Dawladaha Caalamku ku heshiisiinayaan Soomaalida oo lagu casuumay Xukuumada Somaliland.

Xubnaha Waftigan oo uu hor kacayey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Cabdi Xaabsade waxa wehelinayey Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ku simaha Gudoomiyaha ee Xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Xaaji C/kariin Xuseen (Cabdi Waraabe), iyo Xubno kale oo ka tirsan Xildhibaanada kuwaas oo dhamaantood ka amba-baxay Magaalo Xuduudeedka Iriqa Ganacsiga u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ee Tog-Wajaale, Halkaas oo Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi iyo xubnaha Maamulka ee Degmadaasi iyo waliba Qaar ka tirsan Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladu ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Magaalada, isla markaana si heer sare ah u sii galbiyey Waftiga oo Galinkii hore ka gudbay Xuduuda.

Wasiirka Warfaafinta oo Intii aanay ka gudbin Xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya oo u Wasiirku u waramey Warbaahinta Qaar oo ku sugnayd halkaa ayaa ugu horreyn waxa uu wasiirku ka xog-Waramay Ujeedada Socdaalkoodan, waxaanu xusay in si toos ah loogu Casuumay Xukuumada Somaliland isla markaana ay ka mid noqoto Dawladaha Caalamka ee heshiisiinaya Koonfurta Somaliya waxana hadalladiisii ka mid ahaa: " Ujeedada aanu u soconaa waa shirkii aanu london kaga qayb qaadan lahayn hadase waxaan u soconaa itoobiya si aanu fisayaal uga sii qaadano wuxuuna shirku bilaabmayaa 23 bishan waxaanan ka mid nahay dawladaha heshiisinaya dalka ayn u jaarka nahay ee somaaliya, Inaga oo si toosa la inoogu casuumay si aynu uga mid noqono Dawladahaas heshiisiinaya Soomaaliya". Ayuu yidi Wasiirka Warfaafintu.

Waxaanu ku daray Hadalkiisa: "Xubnaha kale ee ka qayb galaya Shirka oo uu hogaamin doono Madaxwaynaheenuna Diyaarada ayay ku soo baxayaan, oo way naga daba imanayaan inta ka horreysa 23 Bishan". Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.

Xaaji C/kariin Xuseen (cabdi waraabe) oo Isaguna Saxaafadu wax ka waydiisay sida uu u arko shirkan, waxa uu yidhi: "Waxaan ka filayaa wax wanaagsan inay ka soo baxaan oo waxaa iskugu imanaya dawladaha caalamka, Gartaadana waa inaad ka sheegato Meel kasta hadii aad ka maqan tahayna cidi ku soo hadal qaadi mayso waxaanan ka filaynaa guul insha Allah". Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.

Socdaalkan Waftigu ugu amba baxeen Dalka Itoobiya oo ay ka sii gudbi doonaan ayaa ku soo beegmay Xilli ay kaabiga soo saaran yahay Shir dhawaan loo qaban doono Soomaalida, oo loogu qabanayo Carriga Ingiriiska iyada oo ay Wufuud badan oo qaybaha kala duwan ee Soomaalidu ku sii qul-qulayaan Dalka Ingiriiska.



Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Gabiley news Reorter
Gabiley Office
Contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: