15 February, 2012

Agaasimiha Guud Ee Shabakadda Gabiley News Oo Goor DHoweyd La Soo Daayay

Agaasimiha Guud Ee Shabakadda Gabiley News Oo Goor DHoweyd La Soo Daayay

Xadhiga Agaasimaha ayaa waxa ka danbeeyay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ka dib markii......
Hargeysa (GNS)- Agaasimaha guud ee shabakadda Wararka ee Gabiley News Mustafe C/Kariin Cali (Mustafe Future) ayaa goor dhoweyd laga soo daayay xarunta dhaxe ee CID magaaladda Hargeysa, ka dib markii maanta galinkii horre lagu xidhay xaruntaasi, waxana uu suxufigani xidhnaa muddo ka baddan lix saacaddoood.

Illaa wakhtigan lama sheegin sababata dhabta ah ee loo xidhay wariye Mustafe Future, balse mar aanu isaga weydiinay sababata lagu xidhay ayaa waxa uu tibaaxay in uu soo dacweeyay Wasiirka Caadaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid isla markaana uu wakhtigan ku joogo damiin, waxana uu intaasi raaciyay in uu wasiirka cadaaladdu dacweeyay wariyahan ka dib markii shabakadda Gabiley News dhowaan baahisay war xaqiiq ah kuwaas oo ku salaysan musuqmaasuq ka dhex jira Wasaaradda Cadaaladda Somaliland.

Soo daynta Mustafe C/kariin Cali ayaa waxa ka qayb qaatay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kuwaas oo ku dadaalay habkii uu xuriyadiisa u heli lahaa Agaasimaha Shabakadda Gabiley news, sidoo kalle soo daynta Suxfigan ayaa waxa ka qayb qaatay wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur.

Si kastaba ha ahaatee Suxufigan ayaa wali waxa uu ku jooga hab damiin ah, waxana si cad loo sheegay in uu xadhigiisa ka danbeeyo Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Somaliland

Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa office
contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: