18 February, 2012

Break News: Shirkada Xawaalada Qaran Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyey in Ay Xidhantay

Break News: Shirkada Xawaalada Qaran Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyey in Ay Xidhantay …Se Maxaa Sabab U Ah Kicitaanka Xawaaladan Oo Loo Hanwaynaa.February 17, 2012 - Written by Daahir Shaami


Shirkad ka mid ah Shirkadaha Somaliyeed Lacagaha Xawila Oo Magaceeda La yidhaa Qaran Express Ayaa Caawa la Shaaciyey In Ay rasmi ah ay u xidhantay Taas oo ay shaaciyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta Shirkadaasi.

Masuul Ka mid ah Masuliyiinta Xawaaladaasi Qaran Express Ayaa Caawa mar uu dawaynaha Somaliyeed la hadlaayey sheegay in ay dadkii lacagyawga ku lahaa ay heli doonaan lacagtoona si buuxdana loo siin doon.


Xawaalada Qaran oo Ahayd Shirkad ay isugu tageen Dadyaw badan oo ka soo kala jeeday dhamaan gobolada Dalku ka kooban yahay ayaa Waayadan dambe La hadal hayey xidhitaankeeda taas oo sababo badan dadku isla dhex marayeen .

Se Sababta rasmiga ah ee ay Shaaciyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta Xawaaladaasi ayaa waxay ku sheegeen in baryahan Khilaaf dhex yaalay Maaamulka guud oo ahaa Aasaasayaashii ahaana nimankii ugu hantida badnaa kuwaas oo ka soo kala jeeday Gobolada Dalka Somaliya, kadib khilaafkaas oo in mudo ah soo jiidanaayey ayaa uu ku taliyey Maamulaha guud ee Uu lahaa Board ka Xawaaladu in uu lacagtoodii u celiyo xubanaha kale maadaama ay isku afgaran waayeen tiina waxay dhalisay in la ficil tamo taas oo xawaaladii markii dambe ay sababtay in Albaabada loo laabo ayna rumawday shakigii hayey dhawaanahan dadweynaha Somaliyeed ee ku kala dhaqan Daafaha Dinida.

Masuulka Ugu sareeya Shirkadan Xawilaada ayaa sidoo kale sheegay in Ay xawaaladu si jiri doonto Se Maamulkiii iyo mulkiilayaashii ay is badali doonaan loona bixin doono magac Cusub oo ay ku hawl gasho.

Xawaalada Qaran ayaa Sanadihii ina soo dhaafay noqotay xaawaalada ugu macmiisha badan xaga isugu dirista ama isu xawilista lacata ee Telphone ka ee lagu magacaabi jiray ZAAD taas oo ay ku hantay dadweyne aad u tiro badan oo macmiil u noqday. Sidoo kalena waxay aakhirkii natiijadeedii noqotay in la xidho Xawaaladii Mugaa lahayd. Badiyaa waa iska caadi waxa Somaaliadu ku shuraakoodaa in ay ku dambeeyaan sida tan .

Hadaba Waa tuma Xawaalada Waayadan la hadal hayey in ay suuqa ku soo cidhiidhi doonto Shirkada Wayn Ee Dahabshii. Jawaabtu waay tahay waa labada Xawaaladood ee KAAH iyo Mustaqbal. Shirkada Xaawalada Ee KAAH ayaa Maalmihii ugu dambeeyey ay Macaamiishii iyo Xafiiyadii Xawaalada Qaran Ay u xamaama Urursanayeen taas oo laga dareemaayey Magaalooyinka Dalka Yurub Gaar ahaa Dalka Norway.

Isku Soo Wada Xoriyoo Tumay noqon doontaa Xawaalada Badali doonta Ama buuxin doonta Position kii ay ka hawl gali jirtay Xawaalada Qaran Taasi waa suaal u taala Dadweynaha Lacagyawga isu dira ?

Warqabadka Togaherer
Germany



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: