Wararku waxa ay sheegayaan in xadhiga Mustafe C/kariin uu ka danbeeyo Wasiirka Cadaaladda Somaliland.
Hargeysa (GNS)- Ciidamada baadhista dambiyadda ee CID-da ayaa maanta xaruntooda ku xidhay Agaasimaha guud ee shabakadda Gabiley news Mr Mustafe Cabdikariin Cali (Mustafe Future). Agaasime Mustafe C/kariin Cali ayaa ciidamada CID-du saaka qabteen ka dib markii uu xarunta xeer ilaalinta guud ee qaranka ku tagay yeedhmo xagooda ka timid, balse Guddoomiyaha ayaa markaa dib ciidamadu qabteen isla-markaana ay ku xidheen xarunta CID-da Hargeysa.
Inkasta oo aan ilaa hadda la cadayn cida amartay xadhiga Wariyaha ayaa haddana waxa la sheegay in xadhiga Wariyuhu uu dabada ku hayo amar ka soo baxay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid oo hore ka dib markii Shabakadda Gabiley news ay baahisay talaabooyin Musuqmaasuq oo uu ku kacay Wasiirku.
shabakadda Gabiley news ayaa horre uqortay fadeexado musuqmaasuq oo wasiirku ku kacay intii uu hayey xilka wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, kuwaas oo cadeyntoodda iyo waraaqaha ay ku saxeexan yihiin lagu soo bandhigay sawiro ay baahisay shabakadda Gabiley news.
Wariye Mustafe Future ayaa ilaa hadda ku xidhan xarunta CID-da Hargeysa, mana jiraan waxa lagu sababeeyay xadhigiisa.
maaha markii ugu horeysay ee Xukuumadda Axmed Siilaanyo ay ku kacdo xadhiga wariyaaysha balse dhowaan ayay ahayd markii la xidhay in ka badan labaatan wariye, tacdiyadda kala duwan ee loo gaysanayo warbaahinta dalka ayaa maalinba maalinta ka danbeysa ka sii daraysa.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley news reporter
Hargeysa Office
Contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment