YAA YIDHI SHIRKA DHOWR IYO AFARTANKA DAWLADOOD EE ADUUNKA KA MIDKA AHI KA SOO QAYBGALAYAAN AYAA SOMALILAND SHAR U AH.!
Marka hore waxaan salaan diiran gadhsiinayaa ummada sommaliyeed marka xigana shabakadaha af-ka Somaliga warka inoogu soo bandhiga iyo hawl-wadeenadooda sharafta iyo maamuuska mudan.
Sidda aynu la wada socono Somaliland waxa marti qaaday Madaxda Mamulka Boqotrooyada Britian, runtiina waa maamuus iyo qadarin si gaara loogu casuumay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waana arrin mihiima in aynu ka qeyb galaa shirkaas waxana aynu ku tagaynaa shirkaas innagoo ah Jamhuuriyadda Somaliland ee aynu hadaba nahay fursadanina maaha fursad hore u soo martay guud ahaan madaqaddan aynu ku noolay iyo maamulkeena JSL.Midna aynu xasuusnaano shacab,mucaarad iyo dawladd-ba Somaliland kuma ay dhismin shir iyo kulamo sida shirkan London oo kale ah, kumana dumi karto shir iyo kulamo toona, waxa ay ku dhisantay halgan iyo dareen shacbi oo taariikh lama ilaawaana lahaa oo ku muddan ummada reer Somaliland.
Shakhsi ahaan waxa aan odhan lahaa Somaliland waxa ay ka mid tahay ummadaa caalmakan ku dhaqan ee xidigan dushiisa "Rabi SWT" ku uumay, waxa aaynu la wadaagnaa xidhiidh iyo wada hadal waana in aynu xoojinaa wixii danta caama ah ee aynu la wadaagno ee ummaduhu ay u kulmayaan gaar ahaan shirkan London ee hada laynooga yeedhay. Arrintan maanta loo kulminayaa maamulada kooxa Somalida iyo Somalilandna waaba mid ka sii dhow wax walba, waxa aynu ku dhaqanay dhulka yar ee aynu ogg-nahay inta uu leeg yahay, ummad ahaana waxa aynu nahay ummad isku sinji ah oo wadaagta Diin, Af, iyo dhaq, iyo weliba isu socod joogto ah sida ganacsatada reer Somaliland oo badhkeed ka soo rogto alaabta maamuladaa kale qaar ka mida dekedahooda, waxa kale oo maanta ku dhaqan JSL, Somali tiro badan oon ahayn reer Somaliland balse ugu nool si xoriyad ah oo xidhiidh la leh konfurta dalka Somalia iyo ismaamulada kale siyaasiyana taagersan.
Runtii taa ugama jeedo aynu wadaagno dawladnimo iyo maamul ee waxaan yara iftiiminayaa sida aynu isugu dhafanay ee aynaan meela u kala jirin waana daruuri in wada hadal iyo xidhiidh aynu yeelano oo aynu meel wax isla dhigayno sida amniga inagoon wax maamula oo inaga dhexeeyaa aanu jirin, waxa laga wadda hadli karaa isu socodka iyo jiidaha inoo dhexeeya iyo amniga guud, waxa laga wada hadli karaa in Somaliland aynu qancinno Somalida weli aminsan in aynu ka midnay ee weli riyada ku jirta ee inta badana ummada gelisa faalada dheer.Tusmadaa gaaban waxa aan ugu gogol xaadhayaa in aynaan sas iyo walaac toona aynaan ka qaadin ka qeyb galka shirkaa London ee uu Madaxweynaheenu tagayo.
Shacbi ahaan iyo mucaaridba waxa loo baahan yahay in aynu kalsooni buuxda siino madaxweynaha JSL, si uu uga qeyb galo shirkaa si werwer la'aan ah.Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee shirkaa tagayana waxa looga baahan yahay in ay lahadaan muuqaal dawladeed iyo qorshe cad oon marnaba aan muran galineynin qaranimada iyo gooni isu taaga jsl. Waxana mihiima in ay madashaas ka jeediyaan khudbad dheer oo ay kagga waramayaan kuna koobaan qadiyadda Somaliland iyo taariikhdii halgankii ay soo martay iyo taariikhdoodii ay ku dhiseen dawladan nabada iyo horumarka la taaban karo mutaysatay.
Waa in ay soo ban dhigaan taariikhdii hore ee ay xornimada qaateen iyo tii ay kula midoobeen Somalidan maanta kunka weji u kala socota een iyadiiba is haysan iyo wixii ina kala qabsaday iyo shacbigii ay xasuuqday dawladii aanu la midownay ee aanu walaalaha moodaynay, waana in la diyaariyaa muuqaaladii foosha xumaa ee ay kula keceen ummada reer Somaliland ee ay ka midka ahayeen xasuuqii shacbiga ay diyaarada ku garaceen, waa in la soo bandhigaa wixii qoraal ah ee cadaymaha u ah cadawtinimada iyo caqli-xumada lagula kacay shacbigan reer Somaliland, Waa in halgankii hubaysnaa ee maal iyo naf lagu waayey ee lagu xoreeyey wadanka loo soo bandhigaa ummada shirkaa isugu imanaysa si loola wadaago dareenka inagu mudan ee aynu goonidda isugu taagnay ee aynu kaga goosanayno iyo waxa inagu kalifay.
Waa in uu Madaxweyne Siilaanyo, si badheedha ugu so bandhigaa Somalia-da imanaysa shirkaas iyo caalmka kaleba in ay muqadis tahay gooni isu taaga JSL, waana in uu si cad ugu sheegaa kuna adkeeyaa kooxaha matalaya Somalia una sheegaa in ay lama huraan tahay in ay Somaliland la soo noqoto gooni isu taageeda iyo qaranimadooda oo ay faral tahay in loo marayo jid wal oo lagu helayo.Waa in si cad loogu sheegaa in dawladan Shariif-ka ee dhuumaleysiga dhabarku muuqdo ka wada taleex iyo buuhoodle ay kala baxdo faraha arrimaha shacbiga reer somaliland iyo u calan waleynta xumaantu haggeyso ee ay u gacan haadinayaan kooxa tirada yar ee dibadaha la wareegaya riyadda qaldan ee fadhiidka ah Awdal state iyo Khaatumo seeg.
Madaxweyne Ahmed.M.M.Siilaanyo,waa in uu caalmaka u sheegaa in qadiyada Somaliland ay gacanta ugu jirto shacbi weynaha reer Somaliland ee gooni isu taagooda ugu fooday "97%-YES" soona doorta hogaanka dalka maamulaya, waa in uu u sheegaa in shacbigu hogaanka u doortay yahay ka leh tixgelinta iyo weliba u hogaansanka rabitaankooda.
Waa in madaxweynahe Ahmed M.M,Siilaanyo, uu u sheego dawlad ku sheega loo yaqaan ku meel gaadhka TFG, ee sida aynu la socono aan ku imman sida sharciga iyo rabitaanka shacbiga ah, runtiina aan xaqaba u lahayn in ay ka hadalka qadiyadda iyo gooni isutaaga Somaliland iyo ka hadalka arrimaha shacbiga reer Somaliland. Waayo? dawlada Somaliland waxa ay ku timi rabitaanka ummadeeda markaa waxa sharci daro ah ba hadal hanta joogtada ah iyo qoryo qoryeynta ay ku hayso TFG-du dawladaa shacbigeedii soo doortay ee nabad gelyaada iyo degenaashaha ku caano maashay ee caalmku intiisa inoo jiidh dubaaxinaysaa markhaatiga ka yahay.
Gunaaned: Siddaa daraadeed somaliland iyo madaxdeeda maanta waxa ay ku taagan yiin jidkii toosnaa waxaanay tagayaan madashii ku haboonayd in aynu ku soo bandhigno dareenkeena dhabta ah iyo taariikhdeena runta ah ee aan caalamka badhkii oggeyn iyo in gooni isu taageenu yahay mid wax walba aynu u mmaray unna marayno.Marka waa in aynu madaxweynaheena siinaa kalsooni buuxda si ay u gutaan waajibaadkooda runtana ugu sheegaan kooxaha isu kaashaday muran galinta jititaanka qaranimadeena JSL iyo gocorada ku dherersanaya qaranimadeena.
Guul iyo Gobanimo Somaliland
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
No comments:
Post a Comment